Yoolnews.com
Maxuu Daaranyahay soo Celcelinta Aqbalaadda NATIIJADA Doorashada ee Masuuliyiinta Xukuumaddu?
March 20, 2024 - Written by Yool News

 

Tan iyo intii ka danbeysay go’aankii gudiga dhaqanka ee Beelaha H-Jeclo, kaasoo si rasmi ah usoo afmeeray khilaafkii sharci iyo midkii siyaasadeed ee dhawrkii sanno ee u danbeeyey dalka ka alloosnaa, sidoo kalena soo af-jaray god-mulacayantii Madaxweyne Biixi iyo Xukuumadiisu doorashada kaga meeraysanayeen, isla markaana loo jiheystay dhabaha doorasho dalka ka qabsoonta November 2024-ka, waxa si is-daba-jooga ah soo ifbaxayey hadalo iyo weedho ujeedo fog laga leeyahay, kuwaasoo fagaarayaal kala duwan ay ka jeediyeen masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Xukuumadda Biixi iyo Xisbiga KULMIYE.

Hadaladlka masuuliyiintaas oo isugu jirey dedan iyo daalacan labada-ba, ayaa waxa nuxurkiisu ahaa, “..Xisbiga WADDANI natiijada doorashada, ma aqbali doonaa..”. Hadaba kolka aynu caqli saliim ah arinka ku eegno, isla markaana yaqiinsano ilaahay maayo’e in aanu jirin cid qaybka waxa ka og, waxa hubanti ah in aan cidna, cidkale ugu goodiyi karin wax maqan oo weli aan dhicin.

Hase-yeeshee, marka arinka aynu ku eegno damaca aadamaha iyo caqliga kursi jacaylka, oo wax badan dunida aynu uga soo joogney, waxa inta badan dhaqamadan ama hadaladan kusoo celcelintooda isticimaala madaxda aaminsan gar iyo gardaraba in aan laga guuleysan, iyagoo taana uga golleh “..Dhegaha bulshada beenta ku celcelin, run ha noqotee..”. Si marka ujeedadoodii ay gaadhan doorashadana boobaan bulshada ugu sheegaan waxii ay sheegayeen inuu run ahaa, isla markaana Xisbi hebel natiijadii doorashada diidan yahay.

COMMENTS
Latest News