Yoolnews.com
Daahir Rayaale: Ma Lilaahi baa, Mise Xeelad baa ku Jirta Kulanka Biixi Iyo Irro, ?
March 20, 2024 - Written by Yool News

Inkastoo kulanka hadda ee Madaxweynihii hore Somaliland isugu keenay Madaxweyne Biixi iyo Musharaxa Xisbiga WADDANI Md, Abdiraxmaan Irro, kolka si loo eego la odhan karo, waa arin wacan oo wanaag soo kordhin karta, hadan marka dib loo milicado mudadii dheerayd ee khilaafka ba’ani ka dhex aloosnaan Xukuumadda Biixi iyo Mu’caaridka, waxa dad badani isweydiinayaan Md. Rayaale miyaanu arkeyn intii waxaasoo dhami dalka ka dhacayeen, oo xataa mararka qaar xaraaradu gaadhey in dad shicib ah oo aan waxba galabsan la’laayey. Waqtigaas oo Sheikh iyo Shariif-ba reer Somaliland isku dayeen deminta muranka, hasey-yeeshee ilaahay qadarkii dedaaladaas oo dhan aan bilaabe ka caanoobin.

Walow arinkani faaqidaad badan aanu u baahnayn, kolka dhinacyo badan la iska taago, balse hadana waxa dad badani aaminsan yihiin Md. Daahir Rayaale in aanu ka gacan-madhnayn Madaxweyne Biixi, waxaana dadka aragtidaa qabaa doodooda u daliishadaan safarkii magaalada Londan ee Rayaale iyo dhaqdhaqaaqyada mudadii uu dalka joogey, kuwaasoo natiijada nuxurkoodu uu aad isugu dhowaa, la odhan waxa dabada ka riixayey Xukuumadda.

Hasey-yeeshee qiimeynta iyo falaqynta arinkan hada, waxaan u dhaafayaan aqoonyahanka iyo bulshada reer Somaliland.

COMMENTS
Latest News