Yoolnews.com
Hay’adda xaquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa rajo xumo weyn ka muujisay sii daynta Cabdi Maxamuud Cumar oo loo yaqaan Cabdi Illey.
March 18, 2024 - Written by Yool News

 

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa shantii sano ee u dambeysay u xirnaa dambiyo loo heystay oo ka dhanka ah bini’aadantinimada.

Laetitia Bader, oo ah Agaasimaha Fulinta ee kooxda u ololaynta xaquuqda Aadanaha, ayaa sheegay in go’aanka xabsiga lagaga sii daayay uu caqabad weyn ku yahay soo afjarida isla xisaabtan la’aanta dambiyada ay ku lug leeyihiin saraakiisha sare.

2018, Cabdi waxaa loo xiray “xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo hurinta colaadaha qowmiyadaha iyo diimaha,” waxaana lagu soo oogay sanadkii 2019 doorkii uu ku lahaa maalmihii u dambeeyay ee xafiiska, markaasoo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowlad deegaanka Soomaalida oo lagu magacaabo “Liyuu Boolis” ay weerareen dad aan Soomaali ahayn.

Human Rights Watch waxa ay diiwaangelisay in Liyu boolisku ay si joogto ah u gaystaan xad-gudubyo xunxun oo ka dhan ah dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan dil, jirdil, iyo kufsiga, iyo sidoo kale aargoosiga ka dhanka ah bulshada deegaanka.

Sannadkii 2018, Human Rights Watch waxay ka warbixisay tacaddiyadii loo geystay intii uu xukunka Cabdi Illey xukumayey, gaar ahaan qaabka jirdilka iyo Tacadiyada ka socda xabsiga Jeel Ogadenia, halkaas oo maxaabiista loo diiday inay helaan daryeel caafimaad oo ku filan.

COMMENTS
Latest News