Yoolnews.com
Mareykanka oo shaaciyay magacyada shakhsiyaad Soomaali ah oo lagu daray liiska argagixisada
October 18, 2022 - Written by Yool News
Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad dhanka maaliyadda ah ku soo rogtay shabakad qaabilsan fududeynta dhaqaalaha Al-Shabaab ah kuwaas oo door hoggaamineed ku leh al-Shabaab dhexdooda.
Qoraal lasoo dhigay bogga internet-ka ee Waaxda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in dadka la magacaabay ay door hoggaamineed ku leeyihiin Al-Shabaab una shaqeeyaan sidii xidhiidhiye muhiim ah oo u dhexeeya kooxda iyo shirkadaha maxaliga ah ee Soomaaliya.
Dowladda Maraykanka waxay magacawday ku dhawaad 9 xubnood oo al-Shabaab ah iyada oo la raacayo qaraarka Fulinta (E.O.) 13224, kaas oo bartilmaameedsada kooxaha argagixisada iyo taageerayaashooda.
Kaaliyaha Xoghayaha Sirdoonka Maaliyadda Brian E. Nelsonee dowladda Maraykanka ayaa sheegay inay dowladda Maraykanku qaadday tallaabo ka dhanka ah hub-ku-haynta iyo dhaq-dhaqaaqyada dhaqaale-ururinta ee Al-Shabaab iyo kuwa kale ee xidhiidha la leh Al-Qaacida.
Dowaladda Maraykanku waxay sheegtay in Al-Shabaab ay maalgeliso dadaallada al-Qaacida ee adduunka oo dhan, oo ay ku jirto in ay bixiso dhaqaalaha lagu taageerayo kooxaha kale ee xiriirka la leh al-Qaacida.
Al-Shabaab ayaa sannadkii soo xaraysa ku dhawaad 100 milyan oo doolar iyada oo soo marta maaliyad ay ka qaadaan ganacsatada iyo dadka deegaanka, lacagaha laga qaado badeecadaha, iyo sidoo kale fududaynta ganacsiga.
Halkaan hoose ka akhriso shaqsiyaadka la magacaabay.
· ABDULLAHI JEERI – oo la sheegay in uu si qarsoodi ah hubka ugu geeyo Al-Shabaab.
· KHALIF ADALE – oo lagu tilmaamay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay inuu lacagaha uga soo aruuriyo hay’adaha aan dowliga ahayn.
· HASSAN AFGOOYE – oo lagu sheegay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kormeerna ku sameeya laamaha maaliyadda.
Mareykanka ayaa ninkan madaxiisa dul dhigay $5 milyan.
· ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE – oo lagu sheegay in uu soo noqday ku xigeenka madaxa qeybta maaliyadda ee Al-Shabaab, kana soo hoos shaqeeyay Mahad Karate.
· ABDI SAMAD – oo lagu tilmaamay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Golaha sare ee kooxda.
· ABDIRAHMAN NUREY – oo lagu qeexay in uu yahay isku xiraha Al-Shabaab iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay.
Saddex qof oo ka kooban shabakad qaabilsan kala gudbinta hubka oo magacyadoodu ka la yihiin: Mohamed Hussein Salad (Salad), Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan), iyo Mohamed Ali Badaas (Badaas).

COMMENTS
Latest News