Yoolnews.com
Jarmalku Oo Shabakadda Telegram Ku Ganaaxay Illaa $5 Milyan
October 18, 2022 - Written by Yool News

Dalka Jarmalka ayaa Isniintii sheegay inuu ganaax lacageed ku soo rogay shabakadda fariimaha la isku dhaafsado ee Telegram, isaga oo ku eedeeyey inay ku guuldaraysatay inay u hoggaansanto shuruucda dalka Jarmalka.

Lacagta ganaaxa ah ee lagu soo rogay shabakadda fariimaha ee Telegram ayaa gaadhaysa illaa $5 milyan oo dollar. Xafiiska caddaaladda ee heer federaal ayaa sheegay in shirkadda iska leh shabakadda Telegram, inaan lagu dhisin hannaan sharci ah oo ka warbixinaya waxyaabaha sharci-darrada ah ee la dhex mariyo, iyo inaanay Jarmalka ka samaysan ama u soo magcaabin cid xidhiidh rasmi ah lala sameeyo. Labadaas qodobba, waa qaar ka mida waxyaabaha uu dhigayo sharciga dalka Jarmalku.

Saraakiisha Jarmalka ayaa sheegay inay marar badan ku guuldaraysteen isku dayo ay doonayeen inay waraaqo ugu gudbiyaan shirkadda Telegram ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai, inkasta oo ay taageero ka heleen dawladda Imaaraadka Carabta.

Shirkad bixisa adeegga sharciga oo fadhigeedu yahay dalka Jarmalka ayaa sheegtay inay metesho Telegram, hase ahaatee arrintaasi ma noqon mid ku filan inay hor-istaagto ganaaxa lagu soo rogay shirkadda.

Booliska heer federaal ee dalka Jarmalka ayaa sannadkan horraantiisii ka digay in shabakadda Telegram, ay xuddun u noqonayso “xagjiraynta”.

“Dadka maamula baraha isgaadhsiinta waxaa saaran masuuliyad gaar ah oo ay uga hortegayaan arrimaha la xidhiidha kicinta, nacaybka iyo rabshada laga dhex abaabulo shabakadohooda” ayuu yidhi wasiirka caddaalada ee Jarmalka oo qoraal soo saaray, isaga oo hadalkiisa sii raaciyey “shuruudahan sharci ee laga doonayo iyo masuuliyaddani maaha mid lagaga gabban karo iyada oo la isku dayayo inaan lagu heli karin”.

Ganaaxa la soo rogay, ayaa ah mid ay shirkaddu ka qaadan karto racfaan.

Associated Press.

COMMENTS
Latest News