Yoolnews.com
Ururrada Siyaasadda Ee 2022-Ku, Maxay Uga Saamayn Yaraadeen Kuwii 2002 Iyo 2012-Kii.
October 17, 2022 - Written by Yool News

14 Urur-siyaasaddeed oo lagaga dhawaaqay Somalilanad, ayaa 20 bishan mari doona marxalad xasaasi ah oo uu jideeyey Xeer 14/2011, kaas oo ah hubinta madax taabashada 1000 qof iyo kormeerka Xafiisyada ay Gobollada ku leeyihiin.

Wejigan ayaa ah mid ay ku kala hadhi doonaan Ururradu oo kuwa gudbaa Sugi doonaan doorashada tooska ah ee Ururrada.

Ururrada Siyaasadda ee wakhtigan ayaa lahayn xamaasadii iyo dhaqdhaaqii ay lahaayeen Ururradii ka horreeyey ee la sameeyey sannadihii 2002-dii iyo 2012-kii.

Haddaba, waxyaabaha loo aanaynayo In ay keeneen saameyn la’aantan, waxa ka mid ah.

1. Khilaafyada siyaasaddeed ee la kowsaday aasaaska Ururrada.

2. Muxaafidka iyo Mucaaradka ah oo midna u arkay fursad uu Awoodda Mucaaradka u wiiqayo iyo Mucaaradka oo dadka u tusay In ay yihiin Ururradu kuwo Xukuumaddu wadato.

3. Doorashadii dawladdaha hoose ee ay ku sidkanaan jireen ayaa si weyn xamaasad ugu yeeli jiray Ururradii hore.

4. Dhaqaale la’aan haysta Ururrada cusub, taas oo keentay dhaqdhaqaaqoodu koobnaado, madaama oo Ururradii hore dhaqaalaha ay ka heli jireen Murrashaxiintii Goleyaashu Deegaanka.

5. Dadka Hoggaamiyeyaasha ka ah Ururrada ayaa intooda badani yihiin kuwa aan saamayn badan ku lahayn Siyaasadda dalka, marka laga reebo Ururro kooban, marka loo eego Ururradii ka horreeyey ee 2002 oo Raggii aasaasay ee hoggaaminayey aynu tusaale u soo qaadan karo Marxuum Cigaal, Marxuum Cumar Carte, Siillaanyo, Gaboose. Halka kuwii 2012-kii Hoggaamiyeyaashii Hormuudka u ahaa ay ka mid ahaayeen Xasan Ciise Jaamac, Cabdiraxmaan Cirro, Xasan Gaafaadhi, Ismaaciil yare.

6. Dadka Hoggaanka ah Ururrada la sameeyey oo u badan kuwo aan ku cusbayn saaxadda siyaasadda, halka kuwa ku cusubna aanay ahayn dad si weyn bulshadu u garanayso oo leh saameyn bulshada dhexdeeda ah.

7. Dadka oo ka daalay Ururro siyaasaddeedyo aan lahayn hadafyo iyo barnaamijyo siyaasaddeed oo kala duwan

Maxaa ku dari lahayd qodobadan?

Saleebaan Saxansaxo

COMMENTS
Latest News