Yoolnews.com
Midowga Afrika Oo Ku Baaqay Xabbad-joojin Degdeg Ah Oo Lagu Soo Af-Jaro Dagaalka Ka Socda Dalka Itoobiya
October 17, 2022 - Written by Yool News

Midowga Afrika ayaa Axaddii ku baaqay xabbad-joojin shuruud la’aan ah oo ka dhacda waqooyiga Itoobiya, waxayna ku boorriyeen dhinacyada isku haya inay “dib u yeeshaan” wadahadallada nabadeed, xilli ay sii kordhayaan rabshadaha gobolka Tigray.

Magaalada Shire oo ku taalla waqooyi galbeed ee Tigrayga ayaa maalmihii la soo dhaafay lagu garaacayay duqeymo ay iska kaashanayaan ciidamada Itoobiya iyo Eritrea, waxaana la soo sheegayaa in dad rayid ah ay waxyeelo ka soo gaadhay dagaalka ka dhanka ah jabhadaha kasoo jeeda gobolka uu dagaalku ka socdo.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa walaac xooggan ka muujiyay kor u kaca rabshadaha, wuxuuna ku baaqay “xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah iyo dib u bilaabista adeegyada bani’aadanimo” ee la gaadhsiinayo goobihii uu dagaalku ka dhacay.

Maamulka TPLF ee gacanta ku hayso gobolka Tigray ayaa Axaddii ku dhawaaqay inay ixtiraamayaan xabbad-joojin kadib markii Midowga Afrika uu ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka iyo wadahadallo nabadeed si loo soo afjaro ku dhawaad laba sano oo dagaal ah.

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku biiray Mareykanka iyo quwadaha kale ee reer galbeedka sida ay uga walaacsan yihiin rabshadaha sii xumaanaya iyo khasaaraha ay u geysanayaan dadka rayidka ah, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac inay dejiyaan “isku dhacan masiibada ah”.

Xukuumadda raysal Wasaare Abiy Ahmed iyo maamulka Tigrayga ayaa aqbalay casuumaad uu Midowga Afrika u fidiyay si ay u wadahadlaan, balse wadahadalladii lagu waday inay dhammaadkii todobaadkii hore ka furmaan Koonfur Afrika ayaa guuldarreystay, lamana shaacin taariikh cusub oo dib loo qaban doonoo wadahadalladaas.

APF.

COMMENTS
Latest News