Yoolnews.com
Afar Nin Oo Soomaali Ah Oo Hadda Xilalka Ugu Sarreeya Ka Haya Hay’adaha Amniga Kenya
October 17, 2022 - Written by Yool News

Dowladda Kenya ee uu madaxweynaha ka yahay William Ruto ayaa u muuqata mid ay saameyn ballaadhan ku sii yeelanayaan siyaasiyiinta Soomaalida ah ee kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Waxaa hadda taagan hadal-heynta ku saabsan shaksiyaadka Soomaalida ah ee xilalka sare ka haya laamaha amniga Kenya oo ah kuwa ugu muhiimsan ee xasaasiga ah.

Soomaali badan ayaa haysa jagooyin amniga la xidhiidha balse waxaan halkaan idiinku soo gudbineynaa 4 qof oo Soomaali ah oo haysa xilal aad u sarreeya oo dhanka amniga ah.

Aadan Barre Ducaale – Wasiirka gaashaandhigga ee magacaaban

Madaxweynaha Kenya ayaa Aadan Barre Ducaale, oo kasoo jeeda Soomaalida Kenya, u magacaabay wasiirka Difaaca, waxa uuna noqday Soomaaliga keliya ee ka dhex muuqday 22 wasiir uu ka kooban yahay Golaha Wasiirrada lagu dhawaaqay.

Aadan Barre wuxuu saaxiib dhow la yahay madaxweynaha cusub ee Kenya, William Ruto oo ay marxalado badan isla soo mareen.

Maxamed Yuusuf Xaaji ayuu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Soomaali ah oo qabta xilkan awoodda badan, xilligii ay jirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Muwai Kibaki. Waxa uu Xaaji wasaaraddan maamulayay intii u dhaxeysay sanadkii 2008 ilaa sanadkii 2013.

Wasaaradda gaashaandhigga Kenya waxa ay maamushaa millateriga ama Ciidanka Difaaca Qaranka, waxaana mas’uulka ugu sarreeya ka ah Madaxweynaha.

William Ruto, oo hadda ah madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale haya xilka taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca Kenya.

Waa mid ka mid ah wasaaradaha ugu awoodda badan golaha wasiirrada Kenya, waxa ayna ku jirtaa wasaaradaha loo qoondeeyo dhaqaalaha ugu badan ee miisaaniyadda sannadlaha ah ee qaranka.

Aadan Ducaale waxa uu dhashay sannadkii 1969-kii. Dugsida hoose dhexe iyo kan sareba waxa uu kaga baxay magaalada Gaarisa.

Sannadkii 1992 ayuu heerka koobaad ee Jaamacadda uga baxay Jaamacadda Moi isagoo bartay kulliyadda waxbarashada, halka sanadkii 2011 uu heerka labaad ee Jaamacadda uga baxay Kuliyadda Beeraha iyo Teknoolajiyada ee Jaamacadda Jomo Kenyatta.

Nuur Gaabow – Ku-simaha Taliyaha guud ee Booliska

Golaha Qaran ee Adeegga Booliska Kenya ayaa bayaan ay soo saareen 7-dii bishan October, 2022 ku shaaciyay in Noor Gaabow loo magacaabay ku-simaha Taliyaha Guud ee Booliska.

Waxa ay bayaankooda ku sheegeen in uu xilkaas – oo usoo billaamay 26-kii August – sii heyn doono ilaa inta xilkaas loo dhiibayo taliye cusub.

Madaxweyne William Ruto ayaa dhawaan soo magacaabay Japhet Koome si uu u noqdo taliyaha booliska, waxaase la horgeyn doonaa Golaha Qaran ee Adeegga Booliska oo go’aan ka gaadhi doona.

Markii lagu dhawaaqayay natiijada doorashadii Kenya ka dhacay bishii Augusto, Nuur Gaabow ayaa kaalin mug leh ka qaatay in xaaladda la dejiyo ka dib markii uu qalalaase hadheeyay goobtii lagaga dhawaaqayay najiidada doorashada uu ku guuleystay William Ruto.

Nuur Gaabow wuxuu xilal kasoo qabtay booliska Kenya oo uu ku biiray sannadkii 1989-kii.

Ka hor inta aanu noqon taliye ku xigeenka guud ee booliska wuxuu ka tirsanaa taliska maamulka kuleejka booliska.

Wuxuu heystaa shahaadada labaad ee jaamacadda, wuxuuna ku takhasusay amniga, maamulka iyo ka hortagga dambiyada.

Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji – Dacwad oogaha Guud

Dacwad oogaha guud ee Kenya waa Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji.

Nuuradiin Xaaji ayaa xilka agaasimaha guud ee waaxda dacwad oogista Kenya qabtay bishii April ee sannadkii 2018-kii.

Waxaa dhalay Alle ha u naxariistee siyaasigii ruug-caaddaaga ahaa ee Maxamed Yuusuf Xaaji oo isna soo noqday wasiirka Wasaaradda Difaaca Kenya intii u dhaxeysay sanadkii 2008 ilaa sanadkii 2013.

Nuuradiin ayaa hore u sheegay inuu la kulmay caqabado waaweyn oo kaga yimid awoodo isugu jira kuwo gudaha ah iyo sidoo kale kuwo bannaanka ah., balse wax saameyn ah ku yeelan doonin shaqada uu u hayo qaranka.

Amiin Ibraahim Maxamed – Taliyaha Hay’adda Dambi-baadhista

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa Amiin Ibraahim Maxamed u magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Dambi-baadhiska ee Kenya, oo magaceeda loo soo gaabiyo DCI.

Amiin ayaa beddeli doona agaasimihii hore ee waaxda Dambi Baadhista Kenya, George Kinoti, oo xilkaas iska casilay, sida lagu shaaciyay bogga Facebook ee DCI-da.

Amiin ayaa kasoo jeeda magaalada Wajeer, in muddo ahna waxa uu ku jiray shaqada dambi baadhista.

Magacaabistiisa ayaa timid kaddib markii turxaan bixin lagu sameeyay 10 murashax oo u tartamay jagadaas. Waxaa murashaxiinta wareysi ka qaaday Guddiga adeegga Booliska ee Kenya.

Ka hor inta aan loo magacaabin xilkan, Amiin waxa uu ahaa Agaasimaha Waaxda Arrimaha Gudaha, oo qaabilsan inay baadhitaanno ku sameyso cabashooyinka ka dhanka ah booliska.

Haddase isagoo madaxa DCI-da ah ayuu ku noqonayaa hay’addan oo uu hore uga soo shaqeeyay, xilal kala duwanna kasoo qabtay.

DCI-da Kenya ayaa dowladda u qaabilsan dambi baadhista guud, waxa ayna dabagal ku sameysaa dhammaan fal-dambiyeedyada shacabka iyo kuwa lagu tuhmo siyaasiyiinta.

COMMENTS
Latest News