Yoolnews.com
Wafdi ka socda dawladda Soomaaliya oo soo gaadhay Deegaanka Soomaalida.
October 16, 2022 - Written by Yool News
Waxaa soo gaadhay magaalada Jigjiga wafdi ballaadhan oo hordhac u ah Raysal Wasaaraha xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Xirsi Gaani, wasiiru Dowlaha xafiiska raysal wasaaraha, Jeneraal Sulub, wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, Cabdixakiin Ashkir, wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, Senator Ilyaas Badal, xildhibaan Xasan Majeerteen, Dr. Axmed-nuur, lataliya sare ee Raysal wasaaraha, Sayid Cali, lataliyaha gaarka ah ee Raysal Wasaaraha.
Wafdigan waxaa garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal ku qaabilay Madaxa xafiiska xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Inj. Maxammed Shaalle Isaaq, wasiirka xafiiska maaliyadda, mudane Cabdiraxmaan Xasan, hoggaanka xafiiska nabadgelyada, mudane Dayib Axmed-nuur iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah.

COMMENTS
Latest News