Yoolnews.com
Ciidamada Somaliland oo u jawaabay xisbiga UCID
October 16, 2022 - Written by Yool News
Hargeysa (Yool) Ciidamada kala duwan ee Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay ciidamo uu xisbiga UCID sheegay in ay ka goosteen Ciidanka Millateriga Somaliland.
Taliyaha Qaybta isgaadhsiinta Ciidanka Booliiska Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Faarax Nuur, oo kamid ahaa saraakiil warbaahinta kula hadashay Miiska Saraakiisha ee Hargeysa, ayaa ka digay in la faragaliyo ciidamada.
Waxaanu yidhi.”Wax baryahan baraha bulshada soo galaya faalo iyo warar aan macquul ahayn oo baraha bulshada la dhexgalinayo, waxan leeyahay halaga waantoobo guddo iyo dibadba faragalinta Ciidamada Qaranka Somaliland”.
Waxa uu sheegay in dad garaad koodu hooseeyo, ay baraha bulshada ku faafinayaan warar been abuur ah, si ay u kala dilaan bulshada iyo ciidamada.
Hogaan ku xigeenka xidhiidhka arrimaha dibadda ee Ciidamada Millateriga Somaliland Gaashaanle Sare Nimcaan Yuusuf Cismaan, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka xisbiga UCID faafiyay, waxaanu sheegay in ay yihiin warar lagu sumcad dilayo ciidamada.
Waxaanu yikdhi.”Talisyada Guud ee Ciidamada Jamhuuriyada Somaliland waxay bulshada u caddaynayaan in aanu jirin ciidan ka tirsan oo meel ka tagay, ama koox gaar ah oo meel isku urrursatay, isla markaana wararka lagu faafiyay warbaahinta iyo baraha bulshada qaar kood ay yihiin been abuur cad oo gaf ku ah sumcada ciidamada qaranka”.
Waxa uu sheegay in dhamaan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin fadhiisimadoodii, isla markaana ay gudanayaan waajibaadkii ay u xilsaarnaayeen, waxa uu intaa ku daray in siyaasiyiin ay si caqliga ka fog u faragaliyeen ciidamada.
Ugu danbayn waxay saraakiishu u mahadceliyeen saxaafada Somaliland oo ka gaabsatay, isla markaana aan baahin wararka xisbiga UCID ka faafiyay ciidamada.

COMMENTS
Latest News