Yoolnews.com
Xisbiga UCID oo ku guubaabiyay Ciidamada Somaliland in ay jabhadeeyaan
October 15, 2022 - Written by Yool News
Hargeysa (Yool) Cod uu baahiyay xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa muujinaya guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo nin uu sheegay in uu ka tirsanyahay millateriga Somaliland ku guubaabinaya in uu jabhadeeyo.
Ninka uu xisbigu sheegay in uu Faysal lasoo hadlay oo uu askari yahay, oo guddoomiyaha u sheegay in uu ciidanka ka goostay isla markaana uu kasoo horjeedo dib u dhigista doorashada madaxtooyada, ayuu Faysal ku guubaabiyay in uu jabhadeeyo.
“Haddii ILLAAHEY yidhaahdo doorasho hadaynu qabano wuu inaga tagi doonaa dowlad cadaalad ah oo dadka midaysa ayaynu dhisi doonaa, markaa dee is urrursada, Muqdisho waxa bad baadiyay barigii dhawayd ee Farmaajo saraakiishii kacday” ayuu Faysal ninka la soo hadlay u sheegay.
Faysal ayaa ninka askariga ah u sheegaya in uu diido amarka, oo uu jabhadeeyo.
Waxaanu yidhi. “Tusa in uu nin kani tacab qasaar inagu ridayo, 40 sanno, 10 sanno oo aynu dagaalamaynay iyo 30 sanno oo aynu gaajo ku noolayn ayuu tacab qasaar inagu ridayaa”.
Waxa uu u sheegay in ay is urrursadaan isaga iyo ciddii la fikir ahi oo ay dowlada ku qasbaan in ay doorashada madaxtooyada ku qabato 9-ka billood ee guddida doorashooyinku sheegeen in ay ku qabanayaan doorashada.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa aad uga cadhaysan furista urrurada siyaasada Somaliland oo uu arko duulaan ka dhan ah xisbigiisa, isaga oo dagaal siyaasadeed oo adag la galay xukuumadda Somaliland tan iyo markii lagu dhawaaqay furista urrurada.
Somaliland xeer adag ayaa ka yaala faragalinta iyo ka hadalka arrimaha ciidamada, ilaa hadana lama oga sida ay xukuumadu uga jawaabi doonto guubaabada guddoomiye Faysal.

COMMENTS
Latest News