Yoolnews.com
Wiil Uu Dhalay Xasan Daahir Aweys Oo La Dilay
October 3, 2022 - Written by Yool News

Ibraahin Xasan daahir Aweys oo ah wiil uu dhalay Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay ka dhacday deegaan ka tirsan gobolka Sh. Hoose.

Sida wararku sheegayaan, Dr. Ibraahim ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday xilli uu ku sugnaa beer uu isaga lahaa oo ku taalla gobolkaasi Sh. Hoose, sidaas waxaa sheegay ehelka marxuumka.

Faah faahin intaasi ka badan lagama bixin sababta diyaaradaha ay u beegsadeen Wiilkasi dhalinyarada ah, isagoo wax ku bartay gudaha magaalada Muqdisho iyo dalka Masar, iyadoo aan la ogeyn in bartilmaameedka weerarkan uu isaga ahaa iyo inay ku khaldameen cidda duqeyntaas fulisay.

Ma jirto wali wax war ah oo dowladda Soomaaliya ay ka soo saartay duqeyntan lagu dilay wiilkaas uu dhalay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo ku dhow 10 sanno u xidhan dowladda, isagoo xilligan oo uu xidhan yahay muuqaalo uu iska soo duubo oo uu soo dhigo Facebook uu ku weeraro nidaamka maamul ee dowladda iyo joogitaanka ciidamadda shisheeye ee dalka.

COMMENTS
Latest News