Yoolnews.com
Aas-Aasihii Al-Shabaab Iyo Ninkii Beddeli Lahaa Axmed Abu Cubeydah Oo La Dilay
October 3, 2022 - Written by Yool News

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidammada Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah ku dileen mid ka mid ah horjoogeyaasha ugu sarreeya kooxda Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta, hawlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe, waxaana lagu dilay Cabdullaahi Nadiir.

“Cabdullaahi Nadiir ayaa ahaa Madaxa Dacwada ee Kooxda waana mid ka mid ah kuwa ugu sharka badan Khawaarijta Al-Shabaab,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Cabdullaahi wuxuu hore usoo noqday madaxa shuurada iyo maaliyadda, wuxuu ka mid ahaa aas-aasayaasha kooxda, waana shakhsiga ay argagixisada u diyaariyeen in uu beddalo Horjoogaha bukaanka ah ee Khawaarijta Al-Shabaab ee dhiigga Islaamka baneystey, Axmed Diiriye.”

Cabdullaahi Nadiir ayaa waxaa madixiisa saarnayd lacag, waxaana si wayn u doondoonaysay Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah, waxaana ugu dambeyn soo helay sirdoonka qaranka ee Soomaaliya NISA, sida lagu yidhi qoraalka.

Cabdullaahi Nadiir oo loo yaqaan Cabdullaahi Yare ayaa waxaa $3 milyan oo dollar madaxiisa dul saartay dowladda Mareykanka. Wuxuu aad ugu dhowaa horjoogihii hore ee kooxda Al-Shabaab Axmed Godane.

Qoraalka madaxiisa lagu dil dhigay $3 milyan waxay dowladda Mareykanka ku sheegtay in Cabdullaahi uu adeegsan jiray magacyada: Cabdullaahi Yariisow, Cubeyd iyo Cabdullaahi Yare, uuna hore usoo noqday madaxa warbaahinta kooxda.

“Dilkiisu waa qodax laga siibay ummadda Soomaaliyeed oo ka nasan doonta dhagartii iyo marin habaabintii uu ku hayay bulshada Soomaaliyeed,” ayey tidhi dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an in la ciqaabo dhammaanka xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale shalay la dilay Ibraahim Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ahaa wiilka wadaadka u xidhan dowladda Soomaaliya.

Ibraahim ayaa lagu dilay duqeynka dhacday deegaan ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, taas oo faahfaahin badan aan laga helin.

Dowladda Soomaaliya, weli wax faahfaahin ah kama bixin duqeynta lagu dilay wiilkii Xasan Daahir, sidoo kale xogtaani ma xusin in dad kale lala dilay Ibraahim.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegi karta in Ibraahim Xasan Daahir uu xidhiidh la lahaa Al-Shabaab iyo in kale, balse waxay xogtaani xaqiijineysaa in lagu dhex duqeeyey beertiisa.

COMMENTS
Latest News