Yoolnews.com
Geeddiga Urur-siyaasaddeedyada Somaliland: From 2002–2022
July 26, 2022 - Written by Yool News
1. Ururradii 2011-2012 lagu dhawaaqay:
Sannadkii 2012 oo ahayd markii labaad ee ururradu ku tartamaan doorashooyin Deegaan #Somaliland, waxa lagu dhawaaqay magacyo/ururro tiro badan, kuwaasoo kala ahaa:
Dalsan, Rays, Wadani, SSC, Udhis, Iftiin, Wadajir, Nasiye, Gobanimo, NDP, Umadda, Xaqsoor, Gurmad, Horyaal, Badbaado, Jamhuuriya, Damal, Nuur, Gobanimo iyo Xusbullaahi.
Kadib:
-Ku dhawaaqihii ‘Xisbullaahi’, Sheekh Maxamed Geele waa la xidhay, magacaasina halkaas buu ku dhammaaday.
-Waxa isku biiray dhawr ka mid ah magacyadii badnaa ee lagu dhawaaqay.
-11-13 ka mid ah baa si buuxda u gudbiyay foomamka iyo documents ka laga rabay, iyadoo ilaa 9 urur ay ugu dambayn shubeen khidmad-lacageed oo gaadhaysa SLSH 150,000,000 midkiiba.
-Laba ka mid ah saddexdii xisbi ee jiray (KULMIYE iyo UCID) baa si buuxda u gudbiyay documents ka laga rabay.
-Waxa saaxadda ka siibtay xisbigii UDUB, kadib sannad iyo bilo keliya uun kadib markii uu wareejiyay talada dalka oo lagaga guulaystay doorashadii 26 Juun, 2010.
-Waxa nidaamkii kala-hufida (vetting process)ka ka gudbay 5 urur (Waddani, Umadda, Rays, Xaqsoor iyo Dalsan).
-Ururrada 2012 mid keliya ayay haweenay hoggaaminaysay, kaasoo ahaa ‘NDP’ oo ay aasaastay, madax na u ahayd marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden. Laakiin, ururkeedu wuxuu ku hadhay nidaamkii kala-reebista, inkastoo ay ka cabatay, kuna tilmaantay go’aankii guddigu ku reebeen mid aan caddaalad ahayn.
-Doorashadii Deegaanka ee Nov 28, 2012, waxa tartan galay shantaas urur ee cusub iyo laba xisbi oo hore u jiray.
-Waxa xisbiyo qaran u gudbay KULMIYE, WADDANI iyo UCID.
-Inkastoo 2012 lagu dhawaaqay ilaa labaataneeyo magac/urur, haddana ‘WADDANI’ uun baa noqday xisbiga keliya ee saaxadda siyaasadda #SL kusoo biiray ama xisbino usoo gudbay intii ka dambaysay doorashadii December 2002 oo ahayd doorashadii ugu horeysay, taasoo ay u ordeen ama ku tartameen 6 urur oo kala ahaa: UDUB, Kulmiye, UCID, Sahan, Hormood iyo Asad.
-Tartankaas waxa ku hadhay; (1) ‘Sahan’ oo uu hoggaaminayay Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf Gaboose, (2) ‘Hormood’ oo uu hoggaaminayay AHN marxuum Cumar Carte Qaalib, iyo (3) ‘Asad’ oo uu hoggaaminayay Saleebaan Maxamuud Aaden (guddoomiyaha hadda ee galaha Guurtida SL).
2. Urur-doonka iyo Magacyada 2022 lagu dhawaaqay:
Magacyada cusub ee doonaya inay heerka ururnimo kumeelgaadh ah u gudbaan, si ay xisbi qaran ugu tartamaan ee ilaa hadda lagu dhawaaqay waxay ku dhow yihiin labaataneeyo magac/urur.
Magacyada doorkan lagu dhawaaqay waxa ka mid ah:
SPP, Barwaaqo, Waaberi, Gurmad, Horseed, Daljir, Kaah, Hilaac, Ugbaad, Ururka Shaqaalaha SL, Rejo, Galool, Halgan, Curad, Asaas + 4–5 magac oo kale.
3. Haddaba, muddo 20 sannadood ah kadib;
-Maxaa laga bartay intii madal siyaasaddeed lasoo dhisay ama lagu soo tartamay?
-Maxaa laga fili karaa doorkan iyo rejada #urur_doonka 2022?
-SL miyay sii horumarisay geeddi-socodkii dimoqraadiyaddeed mise heeryada iyo rukumada hanaankaas way feenatay?
-Maxay ku kala duwan yihiin hal-abuurnimadooda uu magaca ururku u horeeyo ilaa fekerka/bisaylka siyaasaddeed iyo bandhigooda ee 2002, 2012 iyo 2022?
-20kaa sannadood, maxaa iska bedelay doorka ka qaybgalka iyo awoodsiinta Haweenka ee dhinaca siyaasadda? Ma horumar baa laga sameeyay mise…?
-2002, 2012 iyo 2022 midkee magacyada/ururrada siyaasaddeed qabyaalad ku astaysan yihiin ama hab cunfi qabali dhadhamaya ku aasaasan yihiin?
-Bal isbarbar-dhig hoggaamiyeyaasha/aasaaseyaasha ururradii 2002, 2012 iyo 2022? Maxaa se u dhexeeya miisaankooda siyaasaddeed, da’da iyo afkaar ahaan intaba?
-Maxay isbedel dhalin karaan ama laga faa’iidayaa haddii ay weli ururradu u dhismayaan hab uu qof keliyi leeyahay ama dhawr qof leeyihiin ama ba uu yahay mid beelaysan?
-Sidee xisbinimadu u noqon kartaa mid taabogal ah oo ka kortay deegaamaysi iyo mid shaqsi xuurtaysto?
-Maxayse macno leedahay in hebel uun hebel kale lagu bedelo, haddii aan dhadhan wada-lahaansho dhab ahi weli muuqan kadib 20 sannadood oo hanaanka xisbiyada badan lagu dhaqmayay?
#SomalilandElections_2022
W/Q: Barkhad Dahir

COMMENTS
Latest News