Yoolnews.com
Runtu Ma Fantaa? Madaxweynuhu Kuma Guullaysan Doono Isku Dayga Ah Inuu Cirro Iyo Faysal Daaqada Ka Saaro
July 21, 2022 - Written by Yool News

Sidii loogu guul-darraystay in Gudoomiyanimadii Xisbiga Kulmiye laga qaado Madaxweyne Muuse Biixi xiligii Siilaanyo, ayaan imikana Madaxweynuhu ugu guullaysan doonin isku dayga ah inuu Cirro iyo Faysal daaqada ka saaro !

Xiligii ay Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo arlada ka talinaysay, Wasiirradii ugu tunka weynaa ee uu ka mid ahaa Xirsi Xasan Xaaji Cali, waxay weerar aan kala go’ lahayn oo dariiqo kasta loo adeegsaday ay ku soo qaadeen sidii Gudoomiyanimada Xisbiga Kulmiye  looga qaadi lahaa Muuse Biixi, saaxadana looga saari lahaa, waagaas oo Xisbiga Kulmiye uu Gudoomiye u ahaa Madaxweyne Muuse.

Mudane Muuse Biixi waxaa xiligaas lala galay dagaal aad u qadhaadh oo aan waxba loola hadhin ay ku qaaday Xukuumadii Siilaanyo ee uu guusheeda qaybta weyn ku lahaa.

Gudoomiye Muuse Biixi keligii ayaa u babac dhigay weerarkaas culus, isaga oo aan haysan Xubno Baarlamaan iyo kuwo gole deegaan oo taageeraya midna. Waxaana uu aakhirkii ku guulaystay inuu cadawgiisii ka adkaado oo Gudoomiyenimadii iyo murashaxnimadiiba uu ku guulaystay, Madaxweynana  noqday.

Hadaba maanta sidee ayay u suurto geli kartaa in laba Xisbi oo haysta majooratigii Baarlamanka iyo taageerada Shacbiga kala badh in Madaxweynuhu uu saaxada ka saari karo?

Murashax Cabdiraxmaan Cirro iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo haysta Taageerada Xisbiyadooda iyo Taageerada Shacbiga Somaliland ugu yaraan kala badh, in la yidhaahdo suuqa gala miyay suurto geli kartaa? Jawaabta oo koobani waa MAYA !

Mudane Madaxweyne haddii adiga oo keligaa ah oo aan taageero badan waagaas haysan lagu guul-darraystay in Gudoomiyanimadii Kulmiye lagaa qaado, ilama aha inaad adiguna maanta aayar saaxada ka saari kartid laba Murashax oo kula mid ah iyo labadooda Xisbi oo aad si fudud u odhan kartid hawada ka cabba……

Mudane Madaxweyne haddii ay hawshu sidaas u fududahay waxaaba la qaatay adiga oo Faysal iyo Cabdiraxmaan Cirro intaad soo qabato, oo aad gacmaha kasoo  xidho, ka dibna aad Diyaarada Khayriyada Hargeysa ku taalla aad ka soo laalaadiso, aanu u daawasho tagnee.

Waxaan rajaynayaa in Caqligu shaqeeyo intaanay gaadhin xilli la yidhaa Xayd mala iloobay.

Allah dariiqa saxda ah ha inagu rido.

W/Q Amb Kaysar Maxamed

COMMENTS
Latest News