Yoolnews.com
“Muuse Laga Oggolaan Maayo Inuu Doorasho La’aan Uu Kurisga Iskaga Fadhiyo Ee Waxay Noqon In La Isku Qabsado “W/Q Mujaahid Cali Guray
July 20, 2022 - Written by Yool News

 

Laba doorasho oo November iyo December kala ah si aan midina u qabsoomin ayaa la ina leeyahay sida ay u kala horeeyaan looma kala hor qabanayo ee sida ay u kala dambeeyaan ayaa loo kala hor qabanayaa. Waxa looga jeedaa maaha wax kale ee waa in aan doorasho dambe dalka ka qabsoomin halkaasina waxa ku dhamaan doona xalkii khilaafka siyaasadda ee dalka jira.
Dabcan Madaxwayne Muuse oo muddo xileedkiisii sharciga ahaa ay bilo ka hadhsan yihiin waxay ka dhamaan doontaa 13 December hadii uu doorashada qabto 13 November balse way cadahay in aanu diyaar u ahayn in wakhtigeeda ay ku qabsoonto. Hadii doorashada hore ay qasoomi waydo ma jirto tu kale oo ka horaysa ama ka dambaysa oo dalka ka qabsoomi kartaa, sida ay ila tahay. Taasina Muuse caad kama saarna ee waa sida uu doonayo in marka hore labadan doorasho uu isku dul dilo isaguna kursiga iskaga sii fadhiyo. Malahiisa kuma jirto ri baa ri gees ka ridi doonta. Miyir waxaase ugu horayn marka tiisa la diido xadhig iyo xabbadna u adeegsado mucaaridkiisa ee xal ka doono. Oo miyuu ka heli karaa hortii jireba ka waaye. Marka tiisa lagu raaco ee xalku noqon waayo doorasho heshiis lagu yahay waxa kale ee xalku ugu dambaysta noqon karo saw inta caqliga lihi garan mayso. Hadii aanay noqonin in mar kale ay hogaamiye dhaqaneedka beelaha Somaliland dib isugu soo noqon xilkana Muuse Biixi ku wareejin 150 oday oo aan dib xukuumad cusub oo xal ah loo soo dhisin, saw mahaa horta in xilka uu ku wareejiyo Madaxwayne xigeenka si uu doorasho dalka u gaadhsiiyo.
Marka Madaxwaynaha sadex uun mid ka eega. Kow in labadan doorasho ay qabsoomaan sida ay u kala horeeyaana ay u kala hor qabsoomaan. Waxay kala dambayn karaa kama badna sadex ilaa lix bilood ugu badnaan.
Laba In aanay dalka ka qabsoomin doorasho heshiis lagu yahay, Somalilandna hore ugamay qabsoomin haddana kama qasoomi karto doorasho aan heshiis lagu ahayniye xaalku noqdo doorasho la’aan.
Sadex marka xaalku doorasho la’aan noqdo Muuse laga ogolaan maayo doorasho la’aan iyo in uu kurisga iskaga fadhiyo ee waxay noqon in la isku qabsado. Taas oo laga yaabo in isagu uu diyaar u yahay balse ugu dambaysta aan u shaqayn doonin xalkuna noqdo in Muuse kursiga uu xoog ku haysto iyo in uu ku banayn doono si kale oo aan doorasho ahayn balse uu ku qasbami doono, nasiib darro goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo khasaare badani dhacay.
Ururada cusub way jiraan kuwo u arka in sida madaxwaynuhu wadaa ay danahoodu ku jiraan balse runtu way iman hortooda. HALGAN mar kasta dantiisa gaarka ah wuxu ka hormarinayaa danta guud ee la wada leeyahay waayo danta gaarka ah wuxu ka dhex doonayaa danta guud. Haday taasi lunto tu gaar ah cid heli doontaa ma jirto
Aniga dantaydo waa danta dadkayga iyo dalkayga waayo hore ayaa loo yidhi “WAXA UMUSHA U DAN AH AYAA ILMAHANA U DAN AH”. Taasina waa aragtida HALGAN ee laga yaabo in uu kaga duwan yahay ururada kale qaarkood
W/Q Mujaahid Cali Guray

COMMENTS
Latest News