Yoolnews.com
Abiy Ahmed Oo La Sheegay In Uu Hargeysa Imanayo
July 19, 2022 - Written by Yool News

Xogo Diblomaasiyadeed Ayaan Sheegaya in Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopia Aby Ahmed Ali Booqasho Rasmi Ah Ku Iman Doono Caasimada Jamhuuriyada Somaliland Ee Hargeisa

Hadii Warka imaansha PM Aby Run Noqdo Wuxu Noqon Doonaa Ra.iisal Wasaarihii Ugu Horeeyey Ee Booqasho Ku Yimaada Jamhuuriyada Somaliland Tan Iyo Intii Ay Madaxbanaanideeda Dib Ugu La Soo Noqotay 1991 Dalkii Somaliya Laysku Odhan Jiray.

Hadii Ra.iisal Wasaare Abiy Yimaado Caasimada Jamhuuriyada Somaliland Ee Hargeisa Wuxu Kulmi Doonaa Soo Dhawayntii Abid Ugu Weynyd Ee Qof Madax Dal Kale Ah Loo Sameeyo Wuxu Booqan Doonaa Dhawr Goobood Taariikhi Ah

FG Xogtu Waxay Sheegaysaa In M/weyne Muuse Biixi Cabdi Marti Qaad Rasmi Ah U Fidiyey PM Aby Ahmed Ali

Allah Mahad Leh

Waxa Diyaariyay Cabdiqani Axmed

COMMENTS
Latest News