Yoolnews.com
Magacyadda 11 Dal Oo Ay Somaaliya Ku Jirto Oo Bixin Waayey Qadhaankoodii Xubinnimada Qaramada Midoobay!
January 14, 2022 - Written by Yool News

Warqad ka soo baxday Qaramada Midoobay 11 Janaayo 2022 ayaa lagu sheegay in 11 dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay ay bixin waayeen Qaaraankooda xubinnimada Qaramada Midoobay.

Waddamada ku midoobay Qaramada midoobay ayaa laga aruushaa lacago qaaraan kuwaas oo ka mid xubunimada Qaramada Midoobay, Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday ayaa horray u sheegay in Soomaaliya adduunka meel fiican ka tagtay inta uu xilka joogay.

Xeerka Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in dal kasta oo aan bixin lacagta uu weynayo xuquuqda codeynta ee golaha guud, haddii aysan jirin duruuf ka baxsan gacanta dalka.

Khudbad uu jeediyay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Faraajo ayuu ku sheegay in Soomaaliye ay ka noqoneyso Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay balse saacado ka dib ayaa la soo saaray warqadda ay 11 dal oo Soomaaliya kamid tahay oo bixin waayey Qaaraankoodii xubinnimada Qaramada Midoobay! kuna taariikheesantahay 11 Janaayo 2022 taas oo ka soo baxday Qaramada Midoobay.

Dalalka kula jiray Soomaaliya waxaa ka mid Suudan iyo Iiraan.

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay ayaa yiri “Qarammada Midoobay waxey noo haysataa qaaraankii (fee) aan iska bixin waynay oo Golaha aan cod la’aan dhex fadhin doono, halka Madaxweynaha xilka ka dhamaaday uu habeen hore noogu khudbeeyey in ay Soomaaliya xubin ka noqonayso Golaha Amaanka”.

dhinaca kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaayiri “Shacabka Soomaaliyeed waa in ay iska ilaaliyaan hoggaamiye aan run aqoon, jecelna in lagu ammaano wax uusan qaban. Kan jooga kuma eka ee kuweena soo hanqal taagayana iska eega”.

No description available.

COMMENTS
Latest News