Faysal ayaa sheegay in loo bahanyahay in xukuumadu abuurto xeerarka oo anay ka sugin golayaasha baarlamaanka, isagoo sheegay in xeerar laga soo saaro arrimo ay ka midyihiin qabiil nacaybka iyo sumcad dilka.
“Dowladu waa in ay xeerarka abuurta baarlamaanku wuu ka eegaa, waxan jecelahay xeerar badan in la sameeyo, kuwa amaanka la sameeyaa, magac dilka la sameeyaa, qabiil nacaybka waa in sharciyo laga sameeyaa, dadkii waynu qabanayna sharci aynu ku qabanaynaana majiro” ayuu yidhi Faysal.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ka qayb galay xaflada qalinjabinta dufcadii 19aad ee ka baxda Jaamacadda Hargaysa, oo tiradoodu dhantahay 1,157 arday.