Yoolnews.com
Muqdisho: Saraakiil Ka Tirsan NISA Oo Laga Celiyay Inay Ka Dhoofaan Garoonka Muqdisho
September 14, 2021 - Written by Yool News

 

 

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan kuwa ammaanka ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa toddobaadkaan safar gudaha iyo dibadda ah laga celiyay laba sarkaal oo ka tirsan hay’adda nabad sugidda Soomaaliya.

Xogta la helayo ayaa sheegeysa in saraakiisha loo diiday inay ka dhoofaan garoonka Muqdisho ay kala yihiin Cabdullaahi Kulane oo loo yaqaan Kulane Jiis oo ku wajahnaa gobalka Gedo, iyo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Wadna Qabad oo isagana safar u ahaa dalka dibadiisa.

Wadna qabad ayaa la sheegay in uu ku dhoofayay baasaboor shisheeye oo ah dhalashadiisa 2-aad waxayna labada sarkaalba qeyb ka yihiin shaqsiyaadka ay dacwada ka gudbiyeen ehellada Ikraan Tahliil Faarax.

Si rasmi ah looma oga safarkooda waxa uu salka ku haayo, hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya inay baxsad ahaayeen maadaama ay waajahayaan eedo la xadhiidha afduubka iyo dilka Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneed hay’adda NISA.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in la baadho saraakiisha lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil, ilaa amar dambana ayna Muqdisho ka bixi karin.

Raysal Wasaare Rooble ayaa hore u ballan-qaaday in cadaaladda la marin doono kiiska Ikraan Tahliil, wuxuuna diiday qorshe uu soo jeediyey madaxweyne Farmaajo oo ahaa in qoyska Ikraan mag la siiyo, islamarkaana kiiska halkaas lagu xidho, oo aan la baadhin.

COMMENTS
Latest News