Yoolnews.com
Safiirka Midowga Yurub iyo Waftigiisa oo ku Indho-daraan-daray Horumarka Dekeda Berbera Iyo Maareeyaha Dekeda oo Si Mugleh uga War-siiyey Hiigsiga Dekeda Berbera
May 15, 2021 - Written by Yool News

Berbera(Yool)- Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Amb. Niclos Perlanga iyo Wafti Balaadhan oo u Hoggaaminayey oo kamid yahay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Somaliland Md. Xasan Gaafadhi, ayaa Kormeer indho-indheyn ah ku tagay Dekeda Caalamiga ah ee Berbera.
Waftiga uu Hoggaaminayey wakiilka Midowga Yurub Ambassador Niclos Perlanga, ayaa waxa gudaha Dekeda Berbera kusoo dhoweeyey Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo kusoo wareejiyey qaybaha Dekeda Berbera iyo Dekeda cusub ee Berbera oo gabo-gabo ah.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa Safiirka iyo waftiga uu kamid yahay Wasiirka Qorsheynta uga warbixiyey horumarka baaxada leh ee ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera mudooyinkii u dambeeyey iyo Dhismaha dhamaaday ee Dekeda Berbera. Waxanu sheegay inay Somaliland si wanaagsan uga faaidaysato maalgelinta la siiyo.
Sidoo kale, Maareeyuhuu waxa uu waftiga uga mahadceliyey mashruuca Midowga Yurub maalgelinayaan ee Xeebta Batalaale, oo Maanta lasoo Dhagax-dhigay.
Safiirka Midowga Yurub iyo Waftigiisa ayaa ku Indho-daraan-daray horumarka baaxada leh ee ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera iyo weliba habka casriyeynta Dekeda, Shaqaalaha, Qalabka iyo toosnaanta nidaamka shaqo.

COMMENTS
Latest News