Yoolnews.com
Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qiratay Inay Ku Fashilantay Bacaha Uu Hore Digreetada Ugu Mamnuucay Madaxweynihii Hore
January 18, 2021 - Written by Yool News

Hargeysa (Yool) Madaxweyne hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa digrootu u soo saaray sannadkii 2015-kii oo sumadeedu ahayd JSL/M/XERM/249-3178/042015 uu dalka kaga Joojiyey Isticmaalka Bacaha iyo Fayo-dhawrka Deegaanka,waxaana xiligaas al-baabada loo xidhay warshaddo waa weyn oo ku yaalley dalka, kuwaas oo ahaa qaar soo saari jiray nooc-yadda bacaha wax lagu rito,waxaana digreetadaa kadib bilaabmay ollole ballaadh-naa oo lagula dagaalami jiray Bacaha,taas oo sababtay in suuq-yada Magaalooyinka laga waayo, isla markaana ay Ganacsatadii dukaamadii iyo bakhaaradii joojiyeen iibkeeda, haseyeeshee tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Biixi xaaladdu wey is baddeshay kaga ganacsigii bacaha ee dalka laga mamnuucayna waxay noqdeen qaar si caadi ah looga gacansado.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa saddex-daa sanno ee uu xilka hayey marnaba aan ka haddal waxa Xukuumadiisa uga meel-yaala Bacaha,kuwaas oo ay mamnuucday xukuumaddii ka horraysay,balse Wasiiradda Degaanka ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa Golaha Guurtida ka hor sheegtay shalay in arrintaas ay ku fashilmeen ka xukuumadda ahaan

Wasiirad Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa haddalkeeda ku bilowday sidan :-“ Bacdii la mamnuucay sannadkii 2015-kii bishaa afraad , shan sannadood dabadeed waxa la is weydiinayaa halkay wax-marayaan, shantaa sannadood ee aynu soo dhaafnay bacdaa weynu ku guulaysan weynay waannanu ku guulaysan weynay intayaddii shaqada ku lahayd oo dhan , runtii waaanu ku wadda guulaysan weynay bacdii Magaalada ayey taallaa waa la mamnuucay digreeto ayey kusoo baxday ,raggii warshadaha lahaa ayaa laga xidhay labadii warshadood uu ugu waa weynaa dowladdu wax ayey u celisay lacag,inkasta oo aanay u dhaweyn wixii ay soo siisteen haddana Dowladda Somaliland lacaga ayey u celisay,warhadahaa iyadoo la xidhay, haddana bacdii maanta Magaalada wey taallaa dukaan kasta wey taallaa cid kasta wax ayaa loogu ridaa.”ayuu tidhi

Waxaanay intaas ku dartay Wasiiradda Shugri “Markaa bacdaa joojinteeda waanu ku guulaysan weynay in alleeli intii shaqada ku lahayd,ama ha-hadaan Dowladdaha hoose ama Wasaaraddaha u xilsaaran ee Ganacsiga, Degaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda waanu ku guulaysan karri weynay si aanu u xakamayno, sababtoo ah waxa weeyaan mar haddii aan isku arragti laga ahayn oo meel looga wadda duulayn taa waanu ku guulaysan weynay.”ayey tidhi

Si Kasba ah-ahaatee waa markii ugu horeysay ee Wasiirad Shugri Xaaji Ismaaciil Baandarre ay sheegto inay ka Xukuumadda ahaan ay ku fashilmeen inuu hirgallo go’aankii lagaga mamnuucay dalka ka Ganacsig bacda, balse waxaynu dhawrnaa waa tallaabada uu qaado Madaxweyne Biixi.

COMMENTS
Latest News