Yoolnews.com
Weftigii Uu Hogaaminayey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Soo Kormeeray Goobaha Ay Diiwaan-gelintu Ka Socoto Ee Gobolladda AWDAL iyo Gabiley…
November 30, 2020 - Written by Yool News

Boorama (Yool)- Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa soo kormeeray goobaha Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee ka socoto Magaaladda Boorama, degmada Dila iyo deegaano ka mid ah Gobolka Awdal oo maalintii labaad Diiwaan-gelintu ka socoto.

Hawl-wadeennada goobaha diwaangelinta iyo muwaadiniinta qaadanaya kaadhka Cod-bixinta, ayaa Guddoomiyaha iyo weftigiisa uga xog-warramay sida bulshadu u danaynayso kaadhka waxaanu bulshada ku dhiiri geliyay in ay qaataan kaadhka codaynta si ay u gudan karaan xaqooda doorashada.
Guddoomiyaha waxa kormeerka ku wehelinayay Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi, Xoghayaha Arrimaha Guddaha Maxamed Faarax Cabdi, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Cabdirashiid Cabdi Jaamac, Afhayeenka Xisbiga Barkhad Jaamac Batuun, Xoghayaha Arrimaha Bulshadda Maxamed Sidiiq Dhamme iyo masuuliyiin kale.

Geesta kale Guddoomiyaha Xisbiga oo ay weheliyaan Xoghayaha Xannaanada Xoolaha Dr Axmed Shukri, Mudane Xamse Khayre oo ka mid ah saraakiisha xisbiga iyo masuuliyiin kale ayaa kormeeray goobaha diwaangelintu ka socoto ee Gobolka Gabiley.
Goobahan oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Gabiley iyo Arabsiyo ayay diwaangelintu si habsami ah uga socotay iyada oo aanay bulshada iyo hawl-wadeennada diwaangelintu wax caqabad ah sheegin marka laga reebo in bulshadu dalbanayso wakhti dheeraad ah in loogu daro maalmaha kooban ee diwaangelinta.

COMMENTS
Latest News