Yoolnews.com
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Hoygiisa Boorama Ka Degan Yahay Ku Booqday Sheekhul-baladka Gobolka AWDAL SHEEKH Cabdilaahi SHEEKH Cali Jawhar…
November 30, 2020 - Written by Yool News

Boorama (Yool)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa booqasho ugu tagay Sheekhul-baladka Gobolka AWDAL SHEEKH Cabdilaahi SHEEKH Cali Jawhar.

Guddoomiye Cirro iyo Musharaxa Maxamed Cali, ayaa hoygiisa Magaaladda Boorama uu ka degan yahay SHEEKHU ku booqday. Iyadoo si diiran uu halkaa ugu soo Dhoweeyey SHEEKHU. Waxaanay iska Xog-wareysteen xaaladda Guud iyo nololeed ee Bulshadda Gobolka AWDAL ku dhaqan iyo Guud Ahaanba Dalka Somaliland. Iyadoo masuuliyiinta Xisbiga WADDANI dhankooda uga warameen SHEEKH Cabdilaahi SHEEKH Cali Jawhar dhan kasta xaaladdaha kala duwan ee dalka ka jira wakhtigan. Waxaanu SHEEKHU ugu Mahadceliyey booqashaddaa ay ugu tageen.
Gabagabaddii kulankan SHEEKH iyo Dr Cabdiraxmaan Cirro, Musharaxa Maxamed Cali Aw Cabdi Wuxuu Kusoo dhammaaday jawi degan iyo mid farxadeed.

COMMENTS
Latest News