Yoolnews.com
Somaliland iyo Jabuuti oo Kala Saxeexday Heshiis Faaido Bulsho leh iyo Kormeer shaqo ay kusoo sammeeyeen Banka Wajaale… waftiga oo dib ugu laabtay Galabta Jabuuti…
November 15, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa(Yool)- Xukuumada Somaliland iyo Xukumada Djibouti, ayaa maanta kala Saxeexday Heshiis iskaashi dhinacyo badan, kaasoo ku saabsan maalgelinta Mashaaric Horumarineed oo ah dhinaca qodista Ceelal Biyood laga hirgelin doono deegaanada Bariga galbeedka Somaliland.
Waftiga reer Jabuuti oo sadexdii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa Somaliland waxay saaka Kormeer shaqo ugu jarmaadeen soo eegista Mashaaric Horumarineed ee beeraha Banka Wajaale. Waftiga oo saaka sadex diyaaradood oo Illu-kabtar ka kaxaystay garoonka Diyaaradaha Hargeysa, ayaa booqday mashruuca Banka Wajaale, halkaasoo laga buufiyeen Ayax faro-baas ku haya Beeralayda Somaliland ee deegaanada xuduudka Somaliland iyo Itoobiya.
Waftiga reer Jabuuti oo u Hoggaaminayey wasiirka Beeraha, kaluumaysiga, Biyaha iyo xanaanada Xoolaha, Maxamed Cawaale iyo sidoo kale Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa markii ay kasoo laabteen kormeerkii shaqo ee Banka Wajaale, waxay salaan sabootin ah kusoo macasalaameyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.
Waftiga Jabuuti ee u horkacayey Wasiirka Biyaha, Kaluumaysiga iyo Beeraha ayaa Galabta ka Amba-baxay magaalada Hargeysa, isla markaana ku laabtay dalka Jabuuti. Waxana waftiga kasoo hadhay, isla markaana hawlo shaqo u joogay Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed.

COMMENTS
Latest News