Yoolnews.com
Dacwad Ka Dhan Ah Madaxwayne farmaajo Iyo Raysal-wasaare Rooble Oo Loo Gudbiyay Beesha Caalamka.
November 15, 2020 - Written by Yool News

Muqdisho(Yool)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Dacwad ka dhan ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble u gudbiyay Beesha Caalamka.

Guddoomiye Xaashi ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ku eedeeyay inay ku tunteen sharciga u yaalla dalka Soomaaliya, isla markaana ay nidaam sharci darro ah ku magacaabeen guddiyada Doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka kooban laba Bog ayuu u kala diray Beesha Caalamka iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee James Swan, wuxuuna ka dalbaday inay soo fara-geliyaan arrimaha Doorashada dalka ka dhacaya 2020/2021.

 

HALKAN KA AKHRI QORAALKA KASOO BAXAY AQAL SARE EE SOMALIYA;

COMMENTS
Latest News