Yoolnews.com
Xubno Kamid ah Milateriga Somaliland oo Boob Dhuleed ku haya Xaafada Sheekh Nuur iyo Booliska oo Hub iskula baxay… Xiisad Saddex-geesood ah oo ka Taagan…
October 28, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa(Yool)- Xiisad dhul oo sadex geesood ah, ayaa ka taagan Xaafada Sheekh Nuur ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Buurta Dab la taagay.
Xiisadan ayaa u dhaxaysa Saraakil sarsare oo ka tirsan Ciidamada Milateriga Somaliland iyo Ciidamada Booliska iyo weliba dad shacab ah.
Xaalada dhulkan, ayaa bilihii u dambeeyey maalinba maalinta ka dambaysa faraha kasii baxaysa. Kaddib markii xubno kamid ah Saraakiisha Mileterigu iskaga habar-wacdeen jida hore ee Gobolka Sool, Kuwasoo isku daayaya inay xoog ku dhistaan dhulkan ku yaala Xaafada Dab-la-taagay, dhacdadaasna waxa ka gadooday Shacabka Xaafada ku dhaqan iyo Ciidamada Booliska Somaliland oo iyaguna sheeganaya lahaan-shaha dhulkaas.
Waxana Maalmihii u dambeeyey hub iskula soo baxayey xubno Booliska Somaliland ka Tirsan oo degen dhulka iyo xubno kamid ah Ciidamada Milateriga ee ku hawlan inay xoog ku dhistaan, iyo weliba shacabkii dhulka dhinac ka ahaa, kuwasoo aanay habbaddu dhuunta ka bixin, hase-yeeshee sansaanka muuqda hadii aan si degdeg ah loogu kala gurman, isla markaana loo kala fardaamin ay halisteeda leedahay, saacad kastana cabsi laga qabo inuu ka dhaco iska hor-imaad ciidan.
Bulshada degen Xaafada Sheekh Nuur, waxay farta ku fiiqeen in xubnaha saraakiisha Mileterigu boob ku hayaan, shacabka iyo Booliska, isla markaana doonayaan inay awood iyo qori ku qaataan dhulka, iyagoo soo banneeyey jidihii ay diffaaca kaga jireen, sidoo kale xogaha laga helayo, Bulshada ku nool Deegaanka lagu muransan yahay, ayaa sheegay in cabsi joogto ah ay wehel la noqdeen. Xogaha kalee Dhacdadan la xidhiidha ayaa tibaaxay in Saldhiga Booliska Xaafada Sheekh Nuur aanu haba yaraatee dhexgelin xiisada, iyadoo Bulshada lahaanshaha sheeganaysaa ka dacwoonayso Ciidamada Milateriga, waxanay ka warwareegeen Ciidamada saldhiga Kililku inuu dhaco iska hor- imaad Ciidan, hase-yeeshee waxa hub soo qaatay xubno Booliska kamid ah oo sheeganaya lahaanshaha dhulka.
Si kastaba ha haatee, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo labada Hoggaan ee Ciidamada Milateriga iyo Booliska, ayaa looga baahan yahay inay sida ugu dhakhsaha badan usoo faro-geliyaan xiisadan, isla markaana ku maamulaan cadaalad iyo xaqsoor, hase-yeeshee hadii ay labada Hoggaan ee Ciidamaddu dhex ka noqon waayaan, waxa ka dhalan kara isku dhacyo iyo fadeexado iska hor- imaad Ciidan.

COMMENTS
Latest News