Yoolnews.com
Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Saleeban Cabdi Looliya oo Hambalyada Ciidul Adxa u diray Muslimiinta, Shacabka Somaliland, Madaxda dalka iyo Shaqaale-weynaha Wakaalada Biyaha…
July 30, 2020 - Written by Yool News

Berbera(Yool)-Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Md. Saleebaan Cabdi Looliya, ayaa Shucuubta Islaamka meel kasta oo ay joogaan uu dirayaa Hambalyada Munaasibada qaaliga ah ee
Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1441-ka oo maalinta berri ah ku beegan.
Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo u ku baahiyey bartiisa Facebook, kaasoo u dhigan sidan.
“Asc Waxa Aan Halkan Hambalyo Uga Diryaaaa Shaqalaha Wakalada Biyaha Berbera , Xaaskooda Iyo Umada Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1441-ka oo maalinta berri ah ku beegan. Waxana uu u rajeeyey inay sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan Barwaaqo iyo nabadqab.
Waxa Kale Oo Aan ummadda Muslimiinta Ee sanadkan Xajka Qabtay In Uu Alle ka aqbalo acmaasha wanaagsan ee ay sameeyeen
Wa Bilaahi Tawfiiq”.ayuu yidhi Maareeye Saleeban Cabdi Looliya.

COMMENTS
Latest News