Yoolnews.com
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo Ka Badbaaday Qarax Ka Dhacay Muqdisho..
July 13, 2020 - Written by Yool News

Muqdisho(Yool)-Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, ayaa ka badbaaday qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee xarunta Dalka.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo Muqdisho, ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ahaa mid uu waday qof isa soo miidaamiyey, isla markaana la beegsaday Kolonyo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Milleriga Soomaaliya.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka, ayaa Idaacadda VOA laanteeda Afka Soomaaliga oo aannu Warkan ka soo xigannay u sheegay in kolonyada uu la socday taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo ka badbaaday werarkaasi.
Goobjooge, ayaa Idaacadda VOA u sheegay in Taliyuhu uu nabadqabo. Hase-yeeshee, Qaraxan ayaa la sheegay inuu khasaare gaadhsiiyey gaadhi ay la socdeen ciidammo ilaalo u ahaa Taliyaha ciidnaka Xoogga Dalka Soomaaliya.
Taliyaha ciidnaka Xoogga Dalka Soomaaliya Taliye Odawaa, ayaa xilliga uu weerarku dhacay ka hor waxa uu ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga, waxaaanu ku socday qayb kale oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

COMMENTS
Latest News