Yoolnews.com
Xeerkii 2005 doorashada soo socota ma lagu gelli karaa?. Garyaqaan Guuleed Dafac
July 12, 2020 - Written by Yool News
Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada, Xeer Lr. 20-2/2005, waxa uu madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin saxeexay 11/4/2005. Saxeexa madaxwaynuhu waxa ay timi kadib markii ay Maxkamadda Dastuuriga ahi soo saartay go’aanka sumadiisu tahay MS/DD/01/05 26/02/05 kaas oo ay ku laashay qodobo ku jiray marshuuca sharci ee Golaha Wakiiladu soo saaray. Qodobadaas oo ku dhisayay qaybinta kuraasta in la sameeyo tiro-koob. Dooda Madaxwayne Rayaale waxa ay ahayd in ay dastuurka ka soo horjeedo in la isku xidho tiro-koobka iyo doorashada. 
Maxkamaddu waxa ay raacday doodii Madaxwayne Rayaale oo waxa ay go’aamisay in lagu qabto doorashada iyada oo aan la samayn tiro-koob. Go’aanka Maxkamadda Dastuuriga ahi waxa uu ahaa:
“1. Waxaa Maxkamadda u cadaatay in ay qodobada 10aad, 13aad, 38aad, 44aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiiladu ka soo horjeedaan Dastuurka JSL, Dabar iyo carqaladna ku yihiin qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada mudada loo cayimo. Sidaa darteed, Maxkamadda Dastuuriga ahi waxay laashay qodobada 10aad, 13aad, 38aad, 44aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada ee No. 20-2/05 ee 18/01/05. Qodobada la laalay wixii qaab farsamo ah ee loog maarmi waayo doorashada Madaxtooyada Socodsiinta Hawsha Doorashada Golaha Wakiilada, waxaa loo raacayaa xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Dalka ee Lam.20/2001.
2. Xeer No. 20-2/2005 marka laga reebo Qodobada la laalay waxa si toos ah loogu dhaqmayaa marka uu saxeexo Madaxweynaha JSL.
3. Go’aankani wuxuu soo baxay 26/02/05.”
Sidee ayaa hadaba loo qaybinayaa kuraasta 82 ka ah. Taas waxa ka jawaabay qodobka 12aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada. Qodobku waxa uu u dhigan yahay sidan:
“Iyadoo mudnaanta la siinayo danta qaranka ugu jirta taabagalinta doorashada awgeed, saamiga kuraasida goboladu ku yeelanyaan Golaha Wakiilada waxa doorashadan oo KALIYA loo qaybiyey sidan:
1. Gobolka Hargeisa…………………… 20kursi. 
2. Gobolka Togdheer………………….. 15kursi.
3. Gobolka Awdal……………………… 13kursi. 
4. Gobolka Sanaag……………………. 12kursi.
5. Gobolka Sool…………………………. 12kursi. 
6.  Gobolka Saaxil………………………. 10kursi.”
Qodobku wuxuu u qaybiyay kuraasta saamiga sare ku xusan doorashadii dhacday 2005 oo keliya. Hadaba si xeerkii 2005 loogu qabto doorasho maxaa xal ah oo banaan? 
Inta aynaan taas u ban bixin aynnu cadayno laba arimood:
1. Go’aanka Maxkamadda Dastuuriga ah marna ma laalin Xeerka Doorashooyinka Golaha Wakiilada. Kama dhigin mid hal mar shaqeeya islamarkaana ma waajibin tiro koob ee taas caksigeeda sababta loo geeyay dacwadda Maxkamadda marka hore ba waxa ay ahayd in la buriyo waajibinta tiro koobka. Sidaasdarteed, go’aanka Maxkamadda Dastuuriga ahi maaha caqabad.
2. Xeerka Doorashada Wakiilada ayay ku qoran tahay in qaybinta kuraastu ay noqoto mid hal mar keliya ah oo ku eekayd 2005. 
Maxa xal ah?
Xalku waa in Baarlamaanku wax ka bedel ku sameeyo qodobka 12aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada si heshiiska xisbiyadu u dhaqangalo. Hadii iyada oo aan wax ka bedel lagu samayn qodobka 12aad la galo doorasho waxa ay ka dhigan tahay in sidii caadada ahayd la qaado marin aan sharci ahayn iyada oo la mari karo wado sharci ah.
Doorashada Wakiilada iyo Deegaanka ma la wada qaban karaa?
Labada xeer ee lagu kala maamulo doorashada Golaha Wakiilada iyo golayaasha deegaanadu waa kala duwan yihiin habraac ahaan. Waxa waydiintu tahay Gudiga Doorashooyinku habraacyada kala jaadka ah ee labada xeer ku kala qoran sidee ayay u kala dooranaysaa maadama oo ay meelaha qaar is khilaafsan yihiin? Tan ayaa u baahan fasiraad maxkamadeed.

COMMENTS
Latest News