Yoolnews.com
Xukuumada Somaliland Oo Wali Xoog Ciidanka Ku Haysata Dhulkii Maxamed Xasan Dalab, Xili Qoyska Madaxwaye Biixi Awood Ku Fushanayo Dhul Ay Dad Shacab Ah Isku Haystaan!!,
July 11, 2020 - Written by Yool News

HARGAYSA(Yool-Mudo Haatan Laga Jooga Sanad Iyo Dheeraad Ayaa Xukuumada Madaxwayne Biixi Xoog Ciidanka Kula Wareegtay Dhul ay Leeyihiin Qoyska Maxamed Xasan Dalab oo kamid Odoyaasha Reer Hargaysa Kaasi Oo Walina Ay Dhex Degen Yihiin Ciidamo halka ay xukuumadu ku wareejisay dayr.

 

Dhulkka Muwaadin Maxamed Xasan Dalab ku lahaa amaba ku Mulkiyay Dhamaan sifaha qof muwaadin ahi dhul ama hanta ku yeesho ee sharciga ah, iyadoo dhulkan oo hore ay iskugu Haysteen dad kale ay maxkamadaha Somaliland dhamaan uxukumeen qoyska maxamed xasan dalab Kaai oo xukunkii ugu danbeeyay ee fulinta ahaa ee maxkamada sare kasoo saarto uu soo baxay dabayaaqadii 2017 wallow aan loo fulin balse ay taasi badalkeedii xukuumada Madaxwayne Biixi xoog ciidan kaga Rartay Qoyska ina xasan dalab iyagoo sheegay in goobta laga dhisayo madaxtooyada ay yeelanayso Somaliland.

Shacabka Somaliland ayaa iswaydiina sobobta ay xukuumada madaxwayne biixi ku haysato dhulka ma mid sharcigaa mise waa awood dawladood uun,

Dhanka kale dhul aan wax badan ka fogayn dhulka xooga lagaga Qaaday qoyska ina xasan dalab ayaa waxaa muran kaga dhexeeyaa qoyska madaxwayne biixi iyo boqolaal qoys oo degan buurta kala jeexan kuwaasi oo dhulkan ka dhistay guryo iyo sandaqado farobadan kaasi oo murankiisi gaadhay in mudo bil ah ay uxidhan yihiin 19 qof oo kamid ah dadka dhulkan degan halka ay ciidamada boolisku ku dhawaaceen laba qof oo wali xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo cisbitaalka guud ee Magaalada hargaysa.

Sidoo kale qoyska madaxwyne biixi oo adeegsanaa awooda dawladeed ayaa dhulka ay isku haystaan qoysaska danyarta ah waxaa Hada degan ciidamo kuwaasi oo burburiyay dhamaan dhulkii seesnaa ee ay lahaayeen muwaadiniin qaarkood xidhan yihiin iyadoo aan loo marin wax sharci ah.

Hadaba iswaydiintu waxay tahay madaxwaynaha Somaliland dhulkii uu qoyskiisu sheeganayay xoog ciidan ayaa lagaga rarayaa dadkii deganaa iyadoo aan loo haysan xukun maxkamadeed oo sharci waajibinaya in loo fuliyo qoyska madaxwaynaha Somaliland halka madaxwaynaha Somaliland xoog ciidan uu kula wareegay dhulkii uu lahaa Maxamed Xasan Dalab oo aan wax badan ka fogayn halka madaxwayaha qoyskiisu ku fushanayaan awooda dawladeed maxaase keenay in dhul qof muwaadin ahi leeyahay in xukuumadu xoog ciidan kaga qaado halka dhulka madaxwaynaha qoyskiisu ku doodayaan lahaanshaheeda Uu ay isla xukuumadu awoodii dawladeed ku fushanayso, iyadoo aan wax  sharciya loo haynun xoog ciidan oo  lagu  baneeyo mooyaane.

 

Dhacdooyinkan Tacadiga ee  ka taagan arimaha dhulka ayaa mudadii ay xukuumada madaxwayne biixi talada dalka haysay kor ukacay murankiisa kaasi oo noqday jiifiyaana banaan joojiyaana banaan,

Sharciga Wadhata Ganaaxa Wasiirkana Gool U looga”

Sharciga Lagu kala Gol Roon Yahay”,Ereyadii Abwaan Weedhsame. 

Xigasho wajaalenews.com 

COMMENTS
Latest News