Yoolnews.com
Waraysi Xiiso badan oo La-la Yeeshay Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti..1 aad.
July 11, 2020 - Written by Yool News

Waftiyada Somaliland ee Jabuuti Yimada Waxa lagu Qaabila, Maamus sare oo V.I.P ah, Waxananu la Kulansiina Ilaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele” Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed

Jabuut(Yool)-Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo u la yeeshay Telefishanka Saab, Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, waxa uu Safiirku kaga waramay guulo Diblumaasiyadeed oo ay gaadhay Safaarada Somaliland ee Jabuuti, iyo sidoo kale, waxqabadka Safaarada.
Ugu horayn Safiirka oo sharaxaya waxyaaba u qabsoomay iyo isbedelka uu ugu sameeyey xafiiska, waxa uu yidhi, “Marka hore waan idinka Mahad-celinaya booqashada aad noogu timaadeen Saab Tv, aniga Waxa Safiirka Jabuuti la isoo Magacaabay 2016-kii December, runtii waxyaabo badan oo u qabtay Safiirkii iga horeeyey ayaa jira, sida aad la socotaan berigii hore Basboorka Somaliland Madaarka Jabuuti ayaa dadka lagaga reebi-jiray, hase-yeeshee waxanu ku guulaysanay oo ay labada dawladoodba nagala shaqeeyeen in si toosa loogu Fiiseeyo dadka Basboorka, sidoo kale,
waxanu ku guulaysanayn xaga Visa-ha oo berigii hore ahaa Lacag, qaaliya mararna gaadhay $60, in aanu ka dhigno, $16 Dollar, oo waxanu ku guulaysanay inaanu Jebino.
Sidoo kale, waxanu ku guulaysanay inaanu sare u qaadno, xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti, waayo?, waxa naga dhexeeya wax badan, oo ay kamid yihiin xaga dhaqaalaha, dhaqanka, Mid amni iyo mid ganacsi, tusaale ahaan Sanaadkii waxa labada wadan iskaga kala goosha ganacsi ka badan $100 Milyan Dolar. Sidoo kale dadka reer Somaliland ee Jabuuti degenbaa jira, kuwo reer Jabuuti ah oo Somaliland degenbaa jira waxaasoo dhan way fudaydisaa Safaaradu. Labada qodob ee aanu xooga saarnaa, waa amniga iyo ganacsiga, waayo isku Socodka labada wadan, waxa uu fure u yahay kor u qaadista ganacsiga iyo isdhexgalka labada bulsho”.
Safiirka Cabdifatax Siciid Axmed oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in Sanaadkii 2018-kii inay dalka Jabuuti shirar kaga qaybgaleen 10 Wasiir oo reer Somaliland ah, waxanu yidhi “sanaadkii 2018-kii waxa dalka Jabuuti yimi 10 Wasiir oo reer Somaliland ah, kuwasoo mid walbaa aanu la kulan siinay dhigiisa dalka Jabuuti, tusaale ahaan Wasiirka arimaha dibada Somaliland waxa uu noo yimi sadex jeer, waxanu la kulmay dhigiisa Jabuuti,waxa kaloo isna dhigiisa la Kulmay. Waxa kaloo sanaadkii 2019-kii dalka Jabuuti yimi 12 Wasiir oo midkastaaba la kulmay dhigiisa Jabuuti, waxa u dambeeyey Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Cabdiweli, waxa kaloo kamid ahaa wasiiradaas Wasiirka dibada, ka xanaanada xoolaha iyo qaar kaloo badan. Waftiyada Somaliland ee had iyo jeer Yimaada dalka Jabuuti, waxa lagu soo dhoweeyaa maamus Heer Caalamiya, waxana lagu qaabilaa V.I.P-da. Sidoo kale, waftiyada Wasiirada ah ee Yimaada qaarkood balo ayaan uga samaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geele, qaar waxanu u gaynaa oo ay la kulmaan Raysal-wasaraha wadanka Jabuuti, waxanan filayaa in wax badan noo qabsoomay”. Ayuu yidhi Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed.
Sidoo kale, waxa Safiirka la waydiiyey talaabadii ugu horaysay ee u qaaday markii la wareegay Safaarada Somaliland ee Jabuuti, waxanu ku jawaabay.
” Talaabooyinkii ugu horeeyey ee aanu qaadnay, waxa weeye hortaa Sawiirka koowaad ee lagugu arko, ayaa lagula macaamilaya, ugu horeyn waxaan qalabeeyey Xafiiska,oo waxaa Qalab yaala waxa kasoo rarnay dalkeena Somaliland, qalabayntaa markaan ku guulaystay, waxaan u jeestay sidii aan u wanaajin laha xidhiidhka labada dal, xidhiidhkiina markiiba meel wanaagsan ayuu gaadhay oo Ilahay noo suuro-geliyey. Xidhiidhka labada wadan maalinba maalinta ka Dambaysa waa uu sii wanagsanaanayaa, hadana wuxuu Marayaa meel sare oo aad u fiican”.
La soco qaybaha dambe oo aad u Xiiso badan.

COMMENTS
Latest News