Yoolnews.com
Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera Oo U Xuub-siibaya Hantiile Ka Hirqaday Hantida Dadweynaha
July 1, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa(Yool)-Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan-Cadde oo xilkaas hayay muddo shan sanno ah ayaa beryahan dambe la soo baxay dhaqanno ceeb ku ah dawladnimada sida musuqmaasuqa. Wararka ay helayso mareegta caalamiga ah ee Xogreebnews ayaa sheegaya in uu masuulkani aqal bangale ah hada u dhamaysay dhismihiisu Bariga Hargeysa, isaga oo jeebka ku shubanaya cashuurtii ummadda. Waxaana la tebayaa doorkii hanti-dhawrku ku lahaa ilaalinta dhaxalka shacabka iyo maalka danyarta

Walaw la beddelay qaar ka mid ah Xoghayeyaasha Dawladaha Hoose ee Somaliland markii uu talada qabtay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa aan masuulkan weli qabannin qalinka Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed oo ay isku deegaan yihiin, waxaanu Xoghayaha Berbera u muuqdaa nin isu hanneeyay kursiga dadka ka dhexeeya.
Cabdikariin Aadan-Cadde oo beryihii hore sheegan jiray in uu bahda hal-abuurka ka tirsanaa ayaa hadda u xuubsiibanaya hantiile ka haagay hayntii dadweynaha ee uu gacanta ku hayay, waxaana Xogreebnews soo gaadhaya warar dhiillo oo ku saabsan lacag-urursiga uu sida badheedha ah ugu tagrifalayo shilinka lagu aamminay.

COMMENTS
Latest News