Yoolnews.com
Macno Ma leh Ninkii Ismaaciil Cumar Geele Ceeb marmariyaa
June 13, 2020 - Written by Yool News

Hargeysa(Yool)-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti,Mudane Ismaaciil Cumar Geele, mudadii uu dalka hoggaaminaayey ka dhigay, mid xasiloon, isla markaana ka Tilmaaman wadamada ku yaala Geeska Afrika.
Waxanu koriyey dhaqaalaha Jabuuti il kastoo ay tahay, waxa uu dalkiisa ku walaleeyey Wadamo badan oo cidi heshiisiyen wayday, waxa dalka ka qabtay dooraashooyin xor ah oo xalaala, kuwasoo uu dhamaantood Codkii Codkii dadweynaha ka helay mucaaridkii la tartaamyey. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxa uu dhisay nimaad dawladeed oo dhamaystiran.
Horumar iyo waxqabad aan cidina qarin Karin ayuu gaadhsiiyey wadanka Jabuuti, mudadii uu majaraha hayey. Waxaanu wax weyn ka qabtay Dhaqaalaha, Caafimaadka, nabadgalyada iyo waxbarashada oo uu gaadhsiiyey heer lama ilaawaan ah.
Dhaqaalaha: Hadii aynu dhaqaalaha iyo horumarka uu gaadhsiiyey wax ka tilmaamo waxa ka mida, Labada ilood ee dhaqaalaha wadanku ku fadhiyey waa DEKEDA IYO MADAARKA(airport) oo maanta ah muraayada jabuuti waxa uu gaadhsiiyey heer caalami ah oo indhaha caalamku soo jiitaan taasi waxay keentay shaqo abuuris iyada oo dad aad u farabadani shaqooyin ka helaan, isla markaana wadankana dhaqaalihiisii hor u qaaday. Iyadoo Dekeda jabuuti waxa lagu tilmaamo Dekeda ugu shaqada badan dekedaha Bariga Africa.
Nabadgalyada:
Madaxweyne Geele isku-ma dayin inuu xoog ku muquuniyo mucaaridkiisa sida madaxda Africa, balse waxa uu isticmaalay caqli fayyow iyo maskax caafimaad qabta isaga uu ula dhaqmay mucaarikiisa si dabacsan gacmo furana kusoo dhaweeyey si wadanka horumarkiisa looga wada qayb qaato.
Madaxweyne Ismaaciil C. Geele waxa kale oo uu xooga saaray sidii wadanka soomaaliya uu u heli lahaa nabad iyo deganaasho isaga oo aad iskugu dayey in xal loo helo arinta soomaaliya si dariskiisu uu nabad u helo horumarna u gaadho.
Caafimaadka iyo Waxbarashada,
Madaxweyne Ismaaciil C. Geele waxa uu meel fiican gaadhsiiyey waxbarashada iyo caafimaadka oo ah waxyaalaha aasaaska u ah nolosha bani-aadamka.
Qore Cabdilahi Xuseen Faarax
Hargeysa/Somaliland.

COMMENTS
Latest News