Yoolnews.com
“Kumanaanka Qabriyada ku Jiraa Inoogama Baahna in Aynu Cafis iyo Cudurdaarba ka Barino Cadowgii ciidda ku Aasay”. Gudoomiyaha Kulmiye ee Canada Shucayb Cabdilahi Xuseen.
February 13, 2020 - Written by Yool News

Anigu kama murugoodo in Kumanaan Qof la inaga dilay, in Magaalooyinkeenii la burburiyay, in Dumarkeena la kufsaday, in Hal Milyan oo ka mid ah maatadeena la qixiyay oo ay barakeceen, in mood iyo maal wixii aynu lahayn badhna ay qaateen badhna ay gubeen iyo in la ina xasuuqay-toona.
“Lkn waxa aan ka murugoodaa marka aynu ku jeesjeesno dhiigga dadkeenii inaga dhintay, marka aynu dhayal ka dhigno iyo wax lagu kaftamo dhibtii ina soo martay,

Kumanaanka qabriyada ku jiraa inoogama baahna in aynu cafis iyo cudurdaarba ka barino cadowgii ciidda ku aasay lkn waxa ay inooga baahanyihiin in aynu dhaxalkoodii ilaalino dalkeena dhisano aynuna dhaafno kuwii dhiigooda qubay.

Ma aha in aynu ugu aarno dadkeena qubuuraha ku jira in aynu dhahno farmaajooy ka garaw iyo raali gelin ka bixi, lkn waa in aynu ugu aarnaa in aynu noqono dad jira oo dhista dalkooda isku duuban oo mid ah,
waa in aynu ugu aarnaa in aanu cadowgoodu Ciil Bixin, kuwa cafiska bixinaya maanta ee xukuumada Villa Wardhiigleey waxba kama duwana dhaqamadii hore ee xukuumadii Afweyne iyo Rajiimkiisii.
Wa bilaahi towfiiq.

COMMENTS
Latest News