Yoolnews.com
Ruushka iyo Turkiga oo si adag uga hadlay dilka Ismaaciil Haniyeh
July 31, 2024 - Written by Yool News

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa dilka Ismail Haniyeh ku tilmaantay “dil siyaasadeed oo aan gebi ahaanba la aqbali karin”, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalkaas, Mikhail Bogdanov, ayaa sheegay in dhimashada hoggaamiyaha Xamaas “ay horseedi doonto xiisad hor leh”.

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sidoo kale cambaareysay wax ay ku tilmaamay dilka ceebta ah ee ka dhacay Tehraan, iyadoo bayaan ay soo saartay oo lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegtay “in dilka looga gol leeyahay in lagu faafiyo dagaalka Qasa laguna gaarsiiyo heer gobol”.

Ma jirto cid sheegatay ilaa iyo hadda mas’uuliyadda dilka Ismaaciil Haniyah, hase yeeshee horay ayay Isra’il wacad ugu martay in ay dili doonto madaxda ururka Xamaas.

Ismaaciil Haniyah, oo ah hogaamiyaha siyaasadda ee ururka Xamaas, ayaa ka tagay Marinka Gaza, sannadki 2019-ki, wixi markaasi ka danbeeyay wuxuu magangalyo ku deganaa waddanka Qatar.

Shiine Elmi – Istanbul

COMMENTS
Latest News