Yoolnews.com
“Muusoow mee ciidankii 33 sano la dhisayay markii lagu waydiin wayay ayaad tidhi….”Ex Wasiir Cali Dhegoole
May 10, 2024 - Written by Yool News
“Waxaa waajiba in mudnaanta koowaad la siiyo isla xisaabtanka ka dhaxeeya hay’adaha qaranka jsl sida sharcidajinta iyo hay’ada fulinta sida uu waajibinayo dastuurka qaranka jsl qodabadiisa 38aad farqadiisa 4 xarafkiisa A , B iyo C , 39aad 53aad farqadiisa 2 iyo 54aad , waxaana waajiba in golaha wakiiladu ha’ada fulinta kala xisaabtamaan dhacdooyinka kala dhacay bilowgii muda xileedkii madaxwayne mouse biihi abdi ilaa 2023 kuwaas oo ahaa dilalkii isdaba jooga ahaa ee lagu laynayey foolaadka bulshada ku dhaqanayd degmada laascaanood , bilawgii sanadkii 2023 ee ahaa qaabkii loo maareeyey kacdoonkii amaba gadoodkii bulshadii ku dhaqnayd degmada laascaanood iyo dhamaadkii isla sanadka 25/ 8/ 2023 ee ku saabsanaa jabkii ciidankii qaranka ee la dhisayey mudadii 33 sanadood ee dalkan la aasaasay . dhacdada hore ee ku saabsansanayd falalka nabadgelo darada ahee ka dhacayey magaalada laascanood islamarkaana salka ku hayey dilal isdaba jooga ahaa ee lagu beegsanayey haldoorka u dhashay magaalada laascaanood, kii u danbeeyey u ahaa marxuun hadraawi oo ahaa gudoomiyhii xisbiga wadani ee gobolka sool kaasi oo ahaa dhinbiishii dhalisay madaharaadkii dadka reer laascaanood ee kaga cabanayey nabad geldarada mudada soo jiitamasay , islamarkaana xukuumada soomaaliland iyo ha’adaheeda nabada qaabilsanaa ay ku guuldaraysteen ilaalinta muwaadiinta somaaliland ee ku dhaqan gobolka sool , cid kastaa haka danbayso falalkaas , laakiin waxaa waajiba in xukuumadu i ilaaliso badqabka muwaadiniinta sida uu dhigayo dastuurka qodabkiisa 24aad farqadiisa 1 , 2 , 3 , iyo 4 , waxaanay ahayd in waajibkan laamahii u xilsaarnaa talaabo laga qaado kuwaas oo ahaa ha’adaha amniga qaabilsan ee ugu sareeyo wasiirka daakhiligu , waxii dad meeshaas ku dhintay waxaa magtooda lagu leeyahay dowlada soomaaliland , waayo waajib kasta oo fuli waaya waxaa masuuliyaadiisa koowaad yeelanaysa cida leh fulinta iyo daba galka fulineed cida leh xuquuqdaas fuli wayday waxaayyeelanaysaa magdhow ku waajibaya cidii masuuliyada lahayd oo xukuumada ahayd , laaamaha dawlada ee waajibkoodii gudan waayey waxay ahayd in madaxwaynuhu talaabo ka qaado dhamaantood xilkana laga qaado , qiimayna lagu sameeyo baaxada heerkooda danbi oo haday ku qanacdo xeer ilaalintu in la eedeeyo loo gudbiyo maxkamada awooda u leh , sida aynu wada ognahay arintaas may dhicin , waxaana madaxwaynu baal maray qodabada dasruurka ee waajibinayey in isagu yahay ka leh masuuliyada guud ee ilaalinta dastuurka sida uu dhigayo qodabka 90aad iyo 97aad kuwas oo waajibanaya in madaxwaynuhu oo masuul ka yahay ku ilaalinta ku dhaqanka dastuurka js , fulin la’aanta waajibkan ay ka dhalayso amba noqonayso ( violation of the conistitution) arinkan oo maxsuulkiisu noqonayo maamuus ka xayuubin lagu sameeyo Madaxwaynaha amaba golejoojin ( impeachment) isla dhacdada labaad ee markii mudaharaadadu ka bilaabmeen degmada laascaanood waxuu madaxwaynuhu usoo diray wafti wasiiro ah oo ah kuwii loo sibirsaarayey wax ka qabasho la’aanta dhacdooyinka salka ku hayey nabad gelyo daradada kelida ku ahayd dadka reer laascaanood , xubnahaas xukuumadu soo dirtay oo uu hogaaminayey wasiirka daakhliga Mohamed kaahin ahmed , islamarkaan ay kamida ahaayeen wasiirkii wasaarada gaashaandhiga c/ qani caateeye fariid , wasiirkii wasaarada warfaafinta iyo wacigalinta imikana ah wasiirka biyaha ina ali koore , wasiirkii wasaarada gaadiidka iyo jidadka imikana ah wasiirka wasaarada maalgashiga iyo madax kale oo badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin , hase yeeshee waxaa waajiba in aynu isdul taagno talaabooyinka ay qaadeen markii ay gaadheen laascaanood dhaxalka ay reebeen ma waafaqsan yihiin qodobada dastuurka ee 90aad iyo 94aad ku waas oo iftiiminaya in xubnaha golaha wasiiradu yihiin kaaliyeyaal Madaxwaynaha , dhamaantoodna waa in ay howshooda u gutaan si waafaqsan dastuurka jsl , Madaxwaynaha jsl waxaa waajiba ku ah in uu ku ilaaliyo in wasiiradiisu u guteen waajibkoodii si waaqsan dastuurka jsl . xubnaha golaha wasiirada ee meesha tegay waxay ahaayeen siday hore u soo sheegnay ragii cabashada bulshada reer laas caanood loo tirinayey inay waxba ka qaban waayeen waxaanay noqdeen qaar aan kasban quluubtii dadkii reer laascaanood isla markaana maamuli kari waayey mudaharaadadii rabshadaha watay ee ay hogaaminyeen bulshadii nabad gelyada darada ka gadooday iyo kuwii damacyada kala duwan lahaa , aakhirkiina ay hogaanka sudheen xumnahaas wasiirada ah iyo bulshada intii wacnaydba kuwii lahaa damaca leexsan ilaa ay bixiyeen amaradii xusuusta reebay ee uu ka mid ahaa in cid kasta oo cadow u ah Somaliland uu la soo gali karo ciidanka uu haysto , iyo in magaalada lagu qabto shir aanay garanayn maxsuulka ka soo bixi doona aakhirkiina midhihiisu noqdeen mid dhaawacay qaranimada jamhuuriyada Somaliland . waxaa falkan ka dhashay in la jabiyey dastuurka jsl qodabdiisa 1 aad , 2aad , 3aad , 7aad /1 , 8aad , 123aad , 124aad , waxaana ka dhalanaya jabinta qodobadan sare maamuus ka xayuubin ay waajib tahay in lagu sameeyo Madaxwaynaha qaranka oo aynu iftiiminay in uu labada dhacdo ee dilalkaka dhacay gobolka sool iyo qaabkii markii danbe loo agaasimay wax ka qabashada kacdoonadii salka ku hayey muwaadiniinta oo waayey xaqooodii nabad gelyo iyo dad ka faa’iidaystay tabashadaas oo iyagu lahaa ujeedooyin fog , ay ka dhasheen dastuur jabinta aynu soo xusnay , waana sida uu dhigayo dastuurka qodabkiisa 96aad farqadiisa 1aad xarafkiisa B waa in lagu sameeyaa maamuus ka xayuubin iyadoo loo marayo habraaca 2aad , 3aad 4aad , 5aad ee isla qodobkan khuseeya . dhacdada sadaxaad ee dhacday 25 /8/2023 kuna saabsanayd jabkii ciidanka qarankii ee soomaaliland tacabka badan galisay mudadii 33 sanadood ahayd ee dalkan dhidibada loo taagay ilaa hada shacabka soomaaliland daaha loogama rogin sida wax u dhaceen , cidii lahayd masuuliyada dhibaatada balaadhan ee ciidamada gaadhay , waxaase la wada ogsoon yahay in madaxwaynuhu yahay taliyaha guud ee ciidanka qaranka sida uu dhigayo dastuurka jamhuuriyada soomaaliland qodabkiisa 90aad farqadiisa 4 isagoo ka duulaya waajibkan ayaa loo baahnaa in uu qaado talaabadii haboonayd haday tahay gudi baadhiseed oo uu magacaabo isla markaana in talaabo laga qaado cid kasta oo lug ku yeelata dhacdadaas shacbiguna uu xaqiiqsado cida ay u raacayaan mood iyo nool waxii gaadhay ciidankooda balse taasi ma muuqato waxaana sida dayax u cad in madaxwaynuhu u muuqdo mid idhaha ka laabtay ( omission ) waajibaadkii dastuuriga ahaa ee uu lahaa masuulka qaranka ugu sareeyaa waa ( Madaxwaynaha ) . sidaas daraadeed waxaan golayaasha usoo jeedinayaa inay gutaan waajibkooda dastuuriga isla markaan lasoo gole joojiyo Madaxwaynaha , waxaa nasiib daro ah iyadoo ay dhaceen dunuubaha intaas leeg oo aan shacbiga cid farta loogu fiiqi Karin oo waliba shacbigii laga doonayaa cod marlabaad”
WQ-Wasiir hore Cali Dhagoole

COMMENTS
Latest News