Yoolnews.com
Taliyihii Booliiska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo ku geeriyooday Qarax miino.
September 30, 2022 - Written by Yool News
Muqdiaho (Yool)Taliyihii ciiddanka Booliiska gobolka Banaadir, Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) ayaa ku geeriyooday qarax miino oo lagula eegtay deegaanka Basra, halkaas oo saakay ciidamada dowladda kala wareegeen Alshabaab.
Waxaa la sheegay in gaadhiga uu la socday taliyaha ciiddanka booliiska gobolka Banaadir uu haleelay Qarax miino oo Alshabaab ay waddada kusii aaseen.
Waxaa sidoo kale jira khasaare kale oo gaadhay askartii la socotay.
Farqaan Qaroole ayaa kamid ahaa saraakiishii kasoo qayb qaatay dagaallada Alshabaab.
Wuxuuna dhawr jeer ka badbaaday weerraro ismiidaamin ah oo Muqdisho lagula eegtay.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa xilka taliyaha booliiska gobolka Banadir u magacaabay sannadkii hore, kadib markii kasoo wareejiyay taliyihii gaarka ahaa ee ciidanka Haramcad.
Farxaan Qaroole waxa uu ku biiriyaa saraakiil iyo masuuliyiin sare sare oo dowladda katirsanaa oo ku baxay gacanta Alshabaab.
Wuxuu dilkiisa kusoo aaday xilli dowladda Soomaaliya ay waddo duulaan ka dhan ah Alshabaab.

COMMENTS
Latest News