Yoolnews.com
Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo Sawir Ka Bixiyey Jihada Somaliland u Socoto
September 30, 2022 - Written by Yool News
Hargeysa (Yool) Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo ah aasaasaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, ayaa sawir ka bixiyey isbeddelada dhanka Horumarka ee dunida ka socda, doorka Somaliland ka qaadanayso iyo sida loogu baahan yahay in dhallinyaradu u diyaar garoobaan.
Jaamac Muuse Jaamac oo khudbad dheer oo khusaysa Mustaqbalka Somaliland iyo jihada uu dalku u socdo u jeediyey Arday ka qalin-jebisay Jaamacadda Admas ee Magaalada Hargeysa, ayaa tusaaleeyey Dhalinyarada fursadaha jira iyo waxa loota baahan yahay, si ay ula jaanqaadaan horumarka casriga ah ee aqoonta lagu hagayo.
“Dalka Somaliland wuxuu soo jiidan doonaa dhallinyaro badan oo kula fac ah, waxay la iman doonaan Hal-abuur, waxay la Iman doonaan lacag, markaa waxa lagaaga baahan yahay inaad barato Caymiska, waayo? Caymisku wuxuu noqon doonaa waxyaabaha ugu qaalisan ee ah sida dalka looga shaqaynayo.” Sidaa ayuu yidhi Dr. Jaamac Muuse Jaamac.
Dr. Jaamac Muuse wuxuu dhiirigeliyey dhallinyarada Jaamacadaha iyo kuwa kale ee u heellan inay xirfadahooda xoojiyaan, waxaanu yidhi; “Waxa lagaaga baahan yahay inaad xoojiso aqoontaada ku salaysan Tiknoolajiyadda iyo isgaadhsiinta, waayo? Waxay noqon doontaa halka wax xukumaysa. Dalka waxa ka dhalanaya Warshado yaryar oo faro badan, tii ugu dambaysay waata Kalluunka qasaacadaysa ee dhawaan Berbera laga Daah-furay, halka loo gudbayaa waa halkaa, ciddii ka shaqayn lahayd, ciddii maamuli lahayd, ciddii u shaqayn lahayd ee maskax ugu shaqayn lahayd waa adiga..”
Dr. Jaamac waxa uu intaas ku daray; “Fursaddaad haysataa waxay kaaga dhawdahay inanka ama Inanta Kenyaanka ah ama Itoobiyaanka ah ee xirfaddaada oo kale leh ee u soo shaqo tagaya, waad uga dhawdahay haddaad tartanto oo aad halkaa isa sii taagto, waxaad fursad u haysataa dalkaagii oo fursad shaqo oo weyni ka soo baxday inaad Hal-abuur la timaaddo, la timaaddo Tiknoolajiyaddu waxay tahay, waayo? Waa halkaa halka Adduunyadu u socotaa.”
“Nolosha bulshada waxa samaynaya Warshadaha, waxaad fursad u haysataa inaad Maskaxdaada hoggaanka ugu qabto kacaanka cusub ee dhashay siduu uga faa’idaysan lahaa dhaqaalaha faraha badan ee ka amuurmaya..” sidaa ayuu yidhi Dr Jaamac Muuse Jaamac.

COMMENTS
Latest News