Yoolnews.com
“Mawqifka Xisbiga WADDANI waxa weeye in aanan ogolayn 13-ka November wixii ka dambeeya muddo kordhin aan la isku waafaqsanayn oo aan laga heshiin, sharcina aanay noqonayn..” Xirsi Cali Xaaji Xasan
September 25, 2022 - Written by Yool News
Guddoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, Musharaxa Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo saraakiil sar sare oo xisbiga ka tirsan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in anay aqbalayn muddo kordhin aan xisbigooda laga talo galin.
Xirsi Waxaa uu yidhi”Go’aanka xisbigu waxa weeyaan in aanaan ogolayn muddo kordhin 13 Novermber ka danbaysa oo aan laysku waafaqsanayn, oo aan laga heshiin”.

 

 

COMMENTS
Latest News