Yoolnews.com
Madaxweyneyaasha Soomaaliya Iyo Maraykanka Oo Ku Kulmay New York, Wadahadalna Yeeshay
September 25, 2022 - Written by Yool News

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayey Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ka qaybgalay martiqaad uu ku maamuusay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Joe Biden.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab oo caqabad ku ah nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya ay dalkooda ka xoreynayaan argagixisada, haatanna ay wadaan dagaal naf-hurnimo iyo geesinimo ah oo ka socda deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab, taasina ay u baahan tahay garab istaag iyo taageero caalami ah.

COMMENTS
Latest News