Yoolnews.com
Mareykanka iyo Ruushka oo is-dhaafsaday Maxaabiis
August 3, 2024 - Written by Yool News

Mareykanka iyo Ruushka ayaa dhameystiray is dhaafsiga 24-ka maxbuus, taasoo ah tii ugu weyneyd ee taariikhda tan iyo burburkii Soviet-ka, iyadoo Moscow ay sii deysay wariye u shaqeeya jariirada Wall Street Journal Evan Gershkovich iyo Paul Whelan oo ah nin hore uga tirsanaan jiray Ciidamada Mariniska Mareykanka.

Maxaabiis u kala dhashay dalalka Mareykanka, Jarmalka, Poland, Slovenia, Norway, Belarus iyo Ruushka ayaa la isku dhaafsaday heshiiskan oo ay ka qeyb qaateen sirdoonka Turkiga ee MIT, sida ay sheegtay madaxtooyada Turkiga.

Ruushka ayaa dhankiisa dib loogu celiyey muwaadiniin Ruush ah oo ku xidhnaa dalalka Mareykanka, Germany, Norway, Slovenia iyo Poland.

Madaxweyne Joe Biden ayaa Khamiistii ammaanay xulafada Mareykanka ee ka qeyb qaatay is dhaafsiga maxaabiista, isagoo sheegay inay qaateen “go’aamo geesinimo leh”.

Madaxtooyada Ruushka ayaa sheegtay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu wareegto ku cafiyay 12 maxbuus oo ay ku jiraan saddex Maraykan ah, taasoo ay ku sheegtay inay tahay tallaabo lagu soo celinayo maxaabiis Ruush ah oo dibadda lagu haystay.

COMMENTS
Latest News