Yoolnews.com
Weerar khasaaro ba’an dhaliyay oo xalay lagu qaaday Xeebta Lido ee Muqdisho
August 3, 2024 - Written by Yool News

Waxaa sii kordhaca khasaraha ka dhashay weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan oo buux dhaafiyay cisbitaalla ku yaalla caasimada.

Weerarka oo qaraxyo ku billowday ayaa waxaa lagu beegsaday hoteelka Beach View oo ku yaalla xeebta, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaadhay shacab badan oo halkaasi ku sugnaa, maadaama ay Jimco ahayd, xeebtana ay u damaashaad tageen.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya G/le Cabdifitaax Aadan ayaa yidhi “Qaraxa Liido ka dhacay waxaa ugu yaraan ku geeriyootay 32 qof waxaana ku dhaawacmay Dad gaaraya ilaa 63 ruux oo Shacab ah.”

Dadka dhintay waxaa ku jira nin iyo xasaaskiis, laba wiil oo walaalo ahaa iyo dad kale oo qaraabo dhow ahaa, kuna sugnaa xeebta xilliga weerarka dhacayay.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay waxa ay sheegtay in ciidamada ammaanka ay soo afjareen weerarkii ay xalay Al-Shabaab ku qaadeenxeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxayna intaasi ku dartay in la toogtay 5 dagaalame oo weerarka fuliyay, halka mid kalena uu is qarxiyay.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga hortagay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa oo la doonanay in shacabka lagu dhibaateeyo.

Dhinaca kale guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa saqdii dhexe ee xalay qaar ka mid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada dadkii waxyeelada kasoo gaaray weerarkii ay xalay kooxda Al-Shabaab ka gaysatay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Yuusuf Madaale ayaa dul istaagay qaar ka mid ah dhaawacyada, asigoona warbixin ka dhageystay Takhaatiirta la tacaalaya baxnaaninta dhaawacyada. Waxa uu eebe ugu baryay caafimaad deg deg ah inta ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkaasi arxanka darnaa, asigoona jannatul fardowsa u rajeeyay dadkii ku dhintay weerarkaasi.

COMMENTS
Latest News