Yoolnews.com
Madaxweyne XASAN ma sumcaddii qaranka ayuu dhaafsaday dan shaqsi ah?
June 25, 2024 - Written by Yool News

Qofka madaxda ka ah dal, mid kamid ah shaqooyinka horyaalla waa dhismaha hanka umaddiisa, difaaca sharaftooda iyo kabka sida taariikh wax ku ool ah usoo hoyn lahaayeen.

Laakiin waa naadir in la arko qof madax ah oo ay caadi la tahay inay dadkiisa wax ku oolka ah qab jabiyo qaranka kale dantiisa.

Balse Soomaaliya labo sano gudahood laba jeer ayay ka dhacday inuu qaranka hurweyntiisa hanka leh u gacmo qabto dalal kale, taas oo ah fadeexad aan indhaha laga qarsan karin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu labaddii sano ee ugu horreysay muddo xileedkiisi labaad la kulmay labo gabdhood oo Soomaali ah oo hankooda uu yahay in heer Afrika oo dhan ah iyo heer caalamka oo dhan ah inay xilal ka qabtaan.

Laakiin hankii labadaasi gabdhoodba wuxuu ku naf baxay albaabka guriga madaxweynaha ee Villa Somalia.

Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir waxay damacday oo ay isku sharaxday madaxweynaha baarlamaanka adduunka. Waa gabadh Xildhibaanad ah oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, deegaan ahaaana kasoo jeeda Puntland.

COMMENTS
Latest News