Yoolnews.com
Markuu amnigii sugay ayuu dabaaldega 18 May hormood ugu noqday bulshadiisa
May 17, 2024 - Written by Yool News
Hargeysa, May, 17, 2024 -(Yool) magaciisa ma garanayo, balse muuqiisa ayaa waxa uu si wayn u soo jiitay dhamaan dadkii ka soo qayb galay isku soo bax ay bulshada Hargaysa ku waynaynayeen munaasibada 18 May oo ay maalin kaliya ka hadhan tahay.
Waxa uu garbaha kaga taagan yahay askari kale waxaanu kor u lulayaa calanka Somaliland, dareenkiisuna waa mid maqan oo la socda ereyada heesta goobta la baxaysa oo ka hadlaysa qiimaha maalintani.
Isga iyo inta askari ee goobta ku sugnaa wax ay ahaayeen ku dabaaldega iyo xuska maalintani kaga horeeya bulshada muuqaalkoodana aad ka dheehanayso.
Dareenka dhabta ah ee uu dalkiisa u hayo marka aad aragto, waxaad kaliya ku qeexi karaysaa in markii uu amnigii bulshadiisa sugay oo hormood uga noqday dabaaldega iyo waynaynta maalinta Qaran 18 May.

COMMENTS
Latest News