Yoolnews.com
“Hindisihii Golaha Wasiiraddu Maalintii Shalay Ansixiyeen ee gobalada dalka qaarna lagu dalacsiiyey qaarna lagu baabiiyey gobalnimadoodii waxay noqotay arrin la yaab leh” Ex Wasiir Cabdiqaadir Iimaan
May 14, 2024 - Written by Yool News
Madaxwaynaha Waxa La Gudboonaa Inaanu Kala Jeclaysan Goboladii uu Mar Wada Magacaabay Madaxwaynihii Hore JSL Daahir Riyaale Kaahin Balse Waxa Muuqata In Madaxwaynuhu Soo Kala Dhawaystay Goboladaas Islamarkaana uu Ansixiyay Gobolkii uu Kasoo Jeeday oo Kaliya.
Arrimaha Noocan Ah Marka Xukuumaddu Ansixinayso Waxay U Baahan tahay Hubsiimo iyo Tudhaale Inay Ka Muuqato Islamarkaana Wax Umadda U Wadda Cuntami Kara ay Noqoto Maadaama oo ay Umadda Jamhuuriyadda Somaliland Wada Matasho.
Talaabadan Shalay uu Qaaday Madaxwaynuhu Waa Mid Khatar Ku Ah isku haynta iyo wadajirka bulshada oo maalinba maalinta ka danbaysa sii liidanaysa.
Waxaan Golaha Wakiiladda Somaliland Ugu Baaqayaa Inay Talaabadda Ugu Haboon Ka Qaadaan Arintaas Si Lexojeclo Iyo Waddaniyadi Ku Jirto U Darsaan isla markaana ay wada ansixiyaan gobaladii la wada magacaabay , sidaas ayaa cadaaladda lagu sugi karaa …”
Sidaas waxaa yidhi siyaasi Cabdiqaadir Iiman Warsame

COMMENTS
Latest News