Yoolnews.com
Haweeney Shaqaala Guri Soo Ahaan Jirtay Oo Madaxweyne Ku Xigeen Noqotay
August 8, 2022 - Written by Yool News

Francia waxa ay ku dhalatay tuulada Ulumbora oo caasimadda Bogota u jirta 437km. Tuuladaasi oo ku taalla dalka Colombia oo laga tiriyo mid ka mid ah dalalka ugu sabooolsan dunida.

Gobolka Cauca ku dhawaad 65 sanno waxaa ka dhacayey dagaal u dhaxeeya Jbahado halkaa ka dagaallamaya iyo dowladihii dalkaa ka soo arriminayey.

“Bulshada aan ka soo jeedo waa bulsho si weyn loo faquuqay, biyo la cabbo ma haystaan, ma lahan adeeg faya dhowr iyo koronto midna, ” ayey tidhi Fracia

Francia si ay u caawiso 12 carruur oo la dhalatay qutul yoonka reerka waxay ka raadineysay macdan iney ka raadiso wabiga Overgas oo ay dadka macdinta gaar ahaan dahabka ka baadhaan.

16 jir markii ay ahaydna waxay noqotay hooyo ilma ay dhashay kaligeed korineysa si ay carruurteeda cunto ugu hesho kulliyadda beeraha ee ay dhigatana ay lacag uga hesho waxay billowday iney guryaha dadka uga shaqeyso.

Francia iney arrimaha bulshada ka shaqeyso waxay ka soo billawday dhaqdhaqaaq ay ka sameysay deegaanka gaar ahanna xilli biyo xidheen laga dhisayay wabiga Ovegas.

Ololihii halkaa ay ka soo billowday waxay gaadhsiisay iney maxkamadda sare ee dalka Colombia ay amar ku bixiso in gabi ahaanba biyo xidheenka wabigaasi laga dhisi laha la joojiyo.

2014-kii ayey Francia si weyn uga caan baxday dalkaasi iyada oo hoggaamiso 350 haween ah oo socod lug ah ku tagay caasimadda Bogota si ay madaxweyne Juan Manuel Santos ay ugu cadaadiyaan inuu tallaabbo uu ka qaado macdan baadhista sharci darrada ah oo lagu hayo wabiga Ovegas.

2018-kii Francia waxay ku guuleysatay aabaalmarinta deegaanka ee “Green Nobel Prize.”

Dadka caanka ka ah ama u ololeeya arrimaha bulshada ama siyaasadda dalka Colombia ayaa badankood la kulmo hanjabaado dil.

Natiijada Doorashada madaxweynaha Colombia ee 2022-ka ayaa waxyaaba badan kaga duwan doorashooyinkii hore dalkaasi uga dhacay.

Hoggaamiyihi hore ee Jabhadda dalkaasi ka dagaallameysay Gustavo Petro ayaa noqday madaxweynihii ugu horereyey ee dalkaasi oo ay siyaasaddiisu bidixda tahay, halka haweeneydii ugu horreysay oo madow ahna ay madaxweyne ku xigeen dalkaasi ka noqotay.

Francia Marquez oo ah haweeney madow ah oo hataan madaxweyne ku xigeenka dalka Colombia loo doortay waxay hore u soo ahayd hooyo shaqaala guri soo noqotay, nolol aad u hooseysana soo martay.

Dalka Colombia oo ay ku nool yihiin dad ka badan 50 malyan oo qof waxaa la hadhay dagaallo jabhadeed iyo kooxo hubeysan oo maandooriyaha caalamka u kala goosha ka ganacsada ooo dalkaas xarumo ka sameystay.

COMMENTS
Latest News