Yoolnews.com
“Haddii Madaxweynenimadda Kenya U Ku Guulaysto Raila Odinga, Kenya Waxay Noqon Doonta Waddankii Ugu Horreeyey Ee Aqoonsadda Somaliland…” Warbixin ay Diyaarisay Al-Jaziira Sannadkii 2017-kii
August 5, 2022 - Written by Yool News

Murrashaxa Madaxweynaha ee dalka Kenya Mr Raila Odinga, ayaa ku dhawaaqi doona aqoonsiga Somaliland, haddii uu ku guuleysto doorashada Madaxtooyada ee toddobaadkan ka dhacaysa dalkaas, sida lagu baahiyey barta uu Telefishinka  Caanka ee Aljazeera ku leeyahay Internet-ka.

Warbixin dheer oo ka hadlaysay saameynta ay doorashada Kenya ku yeelan karto dalalka bariga Afrika, ayaa lagu xusay in ay gaar ah u taaban doonto Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo murrashaxa Mucaaradka Mr Raila Odinga noqon doono, haddii uu guuleysto madaxweynihii u horreeyey ee dal madax-bannaan u aqoonsada Somaliland.

Warbixintan waxay soo xigatay balan qaad uu hore u sameeyey murrashaxa Mucaaradka Kenya Raila Odinga.

Warbixintan waxa lagu yidhi “Haddii uu doorashadda Kenya ku guulaysto Mr Oddinga waxa suurto gala in uu khilaaf ka bilaabmado gobolka, waayo Somaliland waa gobol gooni u goosad ah, kaasi oo in uu ka xoroobay Somalia hore ugu dhawaaqay, waxaana uu la og yahay in isaga mar uu Mr Raila Odinga ku sugnaa  fagaaraha caalamiga ah ee Siyaasadda dunida lagu falanqeeyo ee Chatham House oo su’aalo halka lagu waydiinaayey uu halkaasi cod dheer oo taageero ah uga balanqaaday kuna taageeray Qadiyadda aqoonsiga ee Jamhuuriyadda yar ee Somaliland in qaran loo aqoonsado waxana hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaan si xoogan taageero ugu ahay aqoonsi buuxda oo ay hesho Somaliland waxaanu yidhi ” waxana wakhtigaasi sidii la filayey ay si wayn uga dhacaysiisay hadalka ka soo yeedhay masuulkaasi Madaxda Kenya ka mid ahi dawladda Somalia oo cambaaraysay.

Qoraalkan lagu baahiyey Shabakada Aljazeera oo sii socda waxa lagu yidhi “Haddii uu markaasi Madaxweynenimadda Kenya ku guulaysto hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ee ORD Mr Raila Odinga, Kenya waxay noqon doonta waddankii ugu horeeyey ee Dunida oo dhan qaran dal ah oo jira u aqoonsadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana talaabadda noocaasi oo kale ka dhalan doona xaqiiqdii kacdoono dublamaasiyaddeed oo mawjado ah oo gobolka ka bilaabmada, mana noqon doonto mid Xidhiidhka u dhexeeya Kenya iyo Somalia god ku rida oo kaliya, balse waxay halis ku tahay sido kale ururka midawga ee Afrikan Union ka ay leeyihiin, kuwaas oo had iyo jeer u arka aqoonsi Somaliland la siiyo inay sabab u noqon doonto in kooxaha iyo goboladda waddamo badani inay iyaguna gooni goosad ku wada dhawaaqo doonaan”

Dhinaca kale Warbixinta waxa lagu sheegay in uu Mr Odinga hore u balanqaaday in uu Ciidamadda dalkiisa Kenya ka jooga waddanka Somalia kala soo bixi doono isla markanaa uu Xidhi doono Xuduudaha u dhexeeya labada dal oo uu ku eedeyey inay Argagixiso iyo Kooxda Al-Shabaab Somalia uga soo talowdo wadankiisa Kenya, taasi oo cabsi weyn laga qabo in uu xidhiidhka u dhexeeya Kenya iyo Somalia uu xumaado hadii uu Raila Odinga doorashadda helo oo ka guulaysto Madaxweynaha wakhtigan taladda haya mr Kenyatta.

Xigasho: Aljazeera.com

COMMENTS
Latest News