Yoolnews.com
Wargeys Caalami Ah Oo Sheegay In Abiy Ahmed Oo Si Weyn Uga Cadhooday Magacaabista Raysal Wasaaraha Soomaaliya
July 4, 2022 - Written by Yool News

Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ka cadhooday in Xamza Cabdi Barre loo magacaabay Raysal wasaaraha Soomaaliya, waxaa sidaas qoray wargeyska Africa Intelligence.

Xamza, oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, gaar ahaan jufada Maxamed Zubeyr/Reer Cabdille, ayaa aad ugu dhow madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo isla jufadaas kasoo heeda, sida lagu yidhi warbixinta wargeyska.

“Sanado badan, Jubaland waxa ay noqotay goob ay gabaad ka helaan mucaaradka Soomaalida Ethiopia ee beel ahaan xiga Xamza iyo Axmed Madoobe.”

Xubnahaas ayaa waxaa ka mid ah taageerayaasha madaxweynihii hore ee gobolka Soomaalida Cabdi Iley oo kasoo jeeda isla Maxamed Zubeyr. Cabdi Iley ayaa xulufo la ahaa kooxda TPLF ee dagaal kula jirtay xukuumadda Abiy tan iyo bishii November 2020.

Cabdi Iley ayaa la xidhay bilo uun kadib markii uu xukunka yimid Abiy Ahmed 2018-kii, waxaana kadib qaar ka mid ah xubnihii aadka ugu dhowaa ay u carareen Soomaaliya, ayey tidhi warbixinta Africa Intellegence.

Magacaabista Xamza, oo noqday qofkii ugu horreeyey ee Ogaadeen ah ee xilkaas ka qabta Soomaaliya, ayaa farxad gelisay mas’uuliyiinta ururka ONLF, ayada oo madaxdooda ay sidoo kale Muqdisho u yimaadeen ka qeyb-galka caleemo-saarkii Xasan Sheekh, ka hor inta aan la magacaabin Xamza.

Hase yeeshee waxaa farxaddaas la wadaagin madaxweynaha gobolka Soomaalida ee hadda Mustafe Cagjar oo aad ugu dhow Abiy Ahmed, islamarkaana ay xiisad ka dhaxeyso hoggaanka ONLF.

Warbixinta Africa Intelligence waxay sheegtay, in ayada oo ay atsaan u tahay cadhada Abiy, uu Mustafe mamnuucay xaflad lagu dhigi lahaa Jigjiga 20-kii June oo loogu dabaal-degi lahaa magacaabista raysal wasaare Xamza Cabdi Barre.

Abiy Ahmed ayaa saaxib dhow la ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayada oo aanay isku fiicney madaxweyne Xasan Sheekh, oo marar badan cambaareeyey siyaasaddiisa xilligii uu mucaaradka ahaa.

Ma cadda sida magacaabista Xamza iyo xurguftii hore ay u saameyn doonto xidhiidhka labada dal, balse dowladda Xasan Sheekh waxay hore u ballan-qaaday inay si wanaagsan ula macaamili doonto dhammaan dalalka caalamka.

COMMENTS
Latest News