Yoolnews.com
Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Socdaal Qarsoodi Ah Ku Tagay Imaaraadka Carabta Iyo KENYA
July 4, 2022 - Written by Yool News
Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta safar warbaahinta laga qariyay kaga ambabaxaya garoonka magaalada Garoowe, isagoo ku sii jeeda dalka isu taga Imaaraadka Carabta.
Wararka la helayo waxa ay sheegayaan inuu madaxweyne Deni uu sii mari doono magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasoo uu kulamo gaar ah uu kula yeelan doono madaxda dowladda Kenya iyo qaar kamid ah siyaasiyiin hore xilal uga soo qabatay Puntland oo saldhigtay dalkaasi Kenya.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan maaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in socdaalkan uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed, iyadoo uu ku soo beegmay maalmo kadib markii uu Sciid Deni bedelay mowqifkiisii hore uu ku diidanaa magacaabista raysal wasaaraha cusub ee dalka Xamse Cabdi Barre.

Deni oo ku hungoobay inuu ku guuleysto xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa dadaal ku bixiyay sidii loo siin lahaa xilka raysal wasaaraha ama qof Puntland ka soo jeeda loogu magacaabi lahaa, balse madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilkaasi u dhiibay Xamse oo ka soo jeeda Jubaland.

COMMENTS
Latest News